Dhambaal Tacsiyeed: Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 25-06-2015 ku geriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska Allaha u Naxariistee Marxuum G/S Cabdulqaadir Xaaji Maxamed Masalle.
Dhamaan Bahweynta Allgalgaduud Media, Maamulka iyo Shaqaalaha Anaga oo ka tiiraanyonayna geeridan naxdinta leh ee ku timid Allaha u Naxariistee Marxuum G/S Cabdulqaadir Xaaji Maxamed Masalle, waxaan dhambaal tacsiyeed oo tiiraanyo leh u direynaa dhamaan Ummada Soomaaliyeed, Reer Xaaji Maxamed Masalle, gaar ahaana Wiilashiisa Dhuxul iyo Siyaad Cabdulqaadir Xaaji, Qaraabadi iyo Asxaabti Kale ee uu ka baxay Marxuum G/S Cabdulqaadir Xaaji Maxamed Masalle, waxaan Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu samir iyo iimaan naga wada siiyo Allaha u Naxariistee Marxuum G/S Cabdulqaadir Xaaji Maxamed Masalle, waxaa kale oo aan Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu Marxuum G/S Cabdulqaadir Xaaji Maxamed Masalle Janadi Fardowza ahayd ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.