Tacsi: R/wasaarihi Hore Ee Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” Iyo Xildibaan Caasha Xaaji Cilmi Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Marxuum Cabdulqaadir Xaaji Maxamed Masalle.

0

Abu Dhabi, AGGM: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” iyo Marwadiisa Xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi ayaa tacsi u diray Dhamaan Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Eheladii iyo Qaraabadi Marxuum G/Sare. Cabdulqaadir Xaaji Maxamed Masalle oo maanta 25-06-2015 ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxaana ay alle Subxaanahu Watcaalaa uga baryeen inuu janadii fardowza ahayd ka waraabiyo.

Mudane Dr. Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa waxa uu ku tilmaamay Marxuumka Halyay qaran oo ka baxay guud ahaan ummada Soomaaliyeed, isagoona xusay G/Sare. Cabdulqaadir Xaaji Maxamed Masalle door muuqda inuu ka qaatay dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

“Marxuum G/Sare. Cabdulqaadir Xaaji Maxamed Masalle wuxuu jeclaa oo qiimeeyna jiray Soomaalinimada,” ayuu yiri R/Wasaarihi hore ee Soomaaliya Dr. Saacid “Wuxuu tiir adag u ahaa dawladdnimada Soomaaliyeed waxuuna ahaa shaqsi dadaal badan ku bixin jiray inuu hubiyo in dadka la baro dawladnimada.”

Naxariisti Jano Allaha Ka Waraabiyo’e G/Sare. Cabdulqaadir Xaaji Maxamed Masalle ayaa waxaa uu kamid ahaa saraakiishi ugu horeeyay ee ciidamada Soomaaliyeed, waxa uu mudo dheerna la soo shaqeeyay dowladdi dhexe ee Soomaaliya oo uu kasoo qabtay xilal kala duwan oo sar sare.