Ugaaska beesha Sade Bari Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle ayaa halkaan tacsi tiiranyo leh uga diraya qaraabadii, ehelkii iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku hadlaya magaciisa, kan beesha Beesha Sade geeridii naxdinta lahayd ee ku timid allaha u naxariistee Marxuum G/S Cabdulqaadir Xaaji Maxamed Masalle oo maanta ku geeriyooday dalka magaalada London ee dalka Ingiriiska, wuxuna marxuumka Alle uga baryay in uu jannadii Fardowzaa ahayd ka waraabiyo ehelladii iyo asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo iimaan uu ka siiyo.
Ugaas Ciise Ugaas Cabdulleayaa yiri “Innaa Lillaahi Wa inaa Ilayhu Raajicuun, geeridu waa xaq, anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Beesha Sade, waxaan tacsi u dirayaa dhamaan qoyskii, asxaabtii iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum G/S Cabdulqaadir Xaaji Maxamed Masalle oo ahaa muwaadin ka dhexmuuqday bulshada waqtigiisana u huray qaranimada iyo dhowrida sharafka Soomaaliyeed oo maanta ku geeriyooday dalka Ingiriiska, Marxuum G/S Cabdulqaadir Xaaji Maxamed Masalle wuxuu kamid ahaa dadka aad looga qadariyo Soomaaliya saameyn weyna ku lahaa nabadeynta iyo isku soo dhaweynta dadka Soomaaliyeed bur-burkii kadib iyo ka horba “.