Kismaayo(AGGM) Waxaa maanta duleedka Magaalada Kismaayo lagu dilay Horjooge ka tirsanaa Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaana la sheegayaa in Horjoogahani oo ka baxay Magaalada Kismaayo isagoo ku sii jeeday Degaanada Buulo Gaduud oo uu Maleeshiyaadka ku haystay.
Horjoogahan oo lagu magacaabi Jirey Col: Mursal Geedi,waxaana la sheegay inuu ugu magacawnaa Jabhadda Raaskambooni Horjogaaha Maleeshiyaadka Raaskambooni ee Aaga Buulo Gaduud,waxaana la sheegayaa inay Falaagada Alshabab weerar Miino ah ku dileen isaga iyo ciidamo la socday.
Maydka horjoogahan iyo ilaaladiisa ayaa hadda la keenay Magaalada Kismaayo,waxaana sidoo kale jira dhaawacyo kala duwan oo soo gaaray qaar ka tirsan Ilaaladiisa iyadoo qaarkoodna ay ku geeriyoodeen halkii qaraxaasi ka dhacay.
Isku soo wada duubo dilalka Faalagada Alshabaab iyo Maleeshiyaadka Raaskambooni ka wadaan Magaalada Kismaayo iyo nawaxigeeda ayaa la sheegayaa inuu kordhayo iyadoo xalay qaar ka tirsan Alshabaab weerar ku dileen askar ka tirsan Maleeshiyaadka Raasakambooni,waxaana inta badan iska hor imaadyo ku dhexmaraan fariisimaha Raaskambooni oo Alshabab weeraro culus ku soo qadaan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com