Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerarkii Alshabaab shalay ku qaadeen deegaanka Leego ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaasi oo qasaaro badan geystay, kadib markii ciidamada Burundi ee qeybta ka AMISOM laga dilay askar badan.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan AMISOM ay ka baxsadeen dhismaha weerarka uu ka dhacay, waxaana lagu qiyaasayaa ku dhawaad 20 askari, sida wararka ay sheegayaan inkastoo aan la xaqiijin wararkaasi.
Alshabaab ayaa sheegay iney shalay weerar culus ka geysteen deegaanka Leego, waxaana ka hadlay afhayeenka guud ee Alshabaab Cali Maxamuud Raage Dheere, oo sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid qorsheysan.
Sidoo kale warar la helayo ayaa sheegaya in Alshabaab deegaanka Leego ay ka afduubteen saraakiil iyo xubno ka tirsanaa dowlada Soomaaliya, waxaana la ogeyn halka ay la aadeen.
Taliska AMISOM ayaanan wali wax war ah kasoo saarin weerarka ka dhacay xarunta ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ku lahaayeen deegaanka leego ee gobolka Shabeelaha Hoose.