Ugu yaraan shan qof oo British ah ayaa ka mid ah dadka ku dhintay weerarka lagu qaaday Tunisiya, sida uu sheegay xogahayaha arrimaha dibadda ee ee UK, Philip Hammond.
Wasiirka caafimaadka ee Tunisiya ayaa xaqiijiyay in ugu yarraan 37 qof ay ku dhinteen, badankoodana ay ajaaniib yihiin.
Tirade dadka British ka ah eek u dhintay way kordhi kartaa, Mr Hammond said, ayaa sidaasi tilmaamay.
Saraakiisha dalka Tunisiya waxa ay sheegayaan in mid ka mid ah dableyda in la dilay, mid kalana la daba socdo.
Waxa ay sheegayaan in qof xeebta ku dabaalanayay, laakiin qoro si qarsoodi ah u sitay, uu yahay kan la dilay kaddib markii booliska ay rasaas isweydaarsadeen.
Warbaahinta gudaha waxa ay ku warramayaan in qof kale uu hubeysnaa la xiray.
Dadka dhintay waxay ka soo kala jeedaan, Tunisiya, Jarmalka, Beljim, iyo ugu yaraan hal qof oo Ireland kasoo jeeda.
36 qof oo kale ayaa weerarka ku dhaawacantay, sida wasiirka caafimaadka uu tilmaamay.
Weerarka lagu qaaday xeebta Sousse, ee dalka Tunisiya ayaa la sheegayaa in lagu bartilmaameedsaday dalxiisayaasha ajaaniibta ah.
Ajaaniib badan oo fasax nasasho u joogay halkaasi, oo ka kala socday dalal ay ka mid yihiin, Jarmalka iyo Britain ayaa waxa ay ka mid ahaayeen kuwa la dilay.
Cimilo wanaagsan oo dadkaasi ay ku jireen ayaa mar qura isu badashay cabsi iyo argagax, iyadoo qof dalxiisayaasha ka mid ahaa uu xabad ku bilaabay dadkii.
Idaacad ka hadasha gudaha dalka Tunisiya ayaa magacawday mid ka mid ah weerarayaasha oo kaamirada ay qabatay, kaas oo ay ku sheegeen inuu yahay Sayf al-Din al-Rizgi.
Waxa uu ahaa ardey dhigta jaamacad ku taalla Sousse, kaas oo leh taariikh diineed oo aad u adag.
Kaddib dhacdadaasi, dad badan ayaa isugu tagay Sousse, kuwaas oo ku dhawaaqayay “Tunisiya xor ha noqoto, argagixisadana ka baxdo”.
Xigasho BBC
Hooska Daawo Sawirada:-