Ceelbuur (AGGM): Kooxda Alshabaab ee ka arimisa deegaano ka tirsan Gobalka Galgaduud ayaa ku hanjabay in weeraro ka dhan ah Maamulka Ahlusuna ku qaadi doonaan Magaalooyinka Dhuusa Mareeb iyo Guraceel
Kooxda shabaab saraakiil u hadashay ayaa ka sheegay shalay meel fagaaro ah deegaanka wabxo ee Gobalka Galgaduud in Dagaalo culus dhawaan ku qaadi doonaan deegaanada Gobalka sida Xarunta Gobalka Galgaduud.
Sheekh Xusen Fidoow oo ah Horjooge ka tirsan falaagada shabaabka ayaa shacabka deegaanada gacanta ay ku hayaan ugu baaqay dagaalo lagu qaado waxa oo ugu yeeray dad kaalmeeya gaalada.
Waxa uu sheegay in looga baahan yahay dhalinyarada deegaanada ay joogaan Kooxda Shabaab ka qayb qaataan dagaalada lagu qaadayo Guraceel iyo Dhuusa Mareeb oo Maamulka Ahlusuna ku xoogan yihiin.
Falaagada Al Shabaab ayaa hore dagaalo deegaanka ugu dhexmareen, Ahlusun Walajamaaca iyo falaagada Alshabaab waxana labada dhinac kala gaaray khasaaro lixaad leh walow Kooxda Shabaab lagu jabiyay.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com