TACSI: Jaaliyadda Australia Oo Ka Tacsiyeysay Geerida G/S. Marxuum C/qaadir Xaaji Masalle.

0

INNAA LILLAAH WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN : Waxaa wali si xawli ah ku socda dhambaal-tacsiyadeedka loo dirayo ALLAHA u Naxariistee Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Gudaha Ee Dowladdii Dhexe Ee Soomaaliya Marxuum G/S Cabdulqaadir Xaaji Maxamed Masalle.

Waxaana si gaar ah Dhambaalkan tiiraanyada badan xambaarsan uu nagasoo gaaray Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Australia.

Anigoo tiiraanyo darran la taahaya, kuna hadlaaya magaceyga Xasan Maxamed Cigaal (Dhoombe), iyo magaca dhammaan Jaaliyadda Soomaalida ee Magaalada Perth, Australia, waxaan dhambaal tacsiyeed oo tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan Umadda Soomaaliyeed iyo Reer Xaaji Maxamed Masalle, gaar ahaana Walaalaheen Dhuxul iyo Siyaad Cabudulqaadir Xaaji Masalle, waxaana Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryayaa inuu samir iyo iimaan naga wada siiyo Allaha u Naxariistee Marxuum G/S Cabdulqaadir Xaaji Maxamed Masalle, waxaan sidoo kale aan Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu Marxuum G/S Cabdulqaadir Xaaji Maxamed Masalle janadi fardowza ahayd ka waraabiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin.

EEBE, Naxariistee Janno haka waraabiyee Marxuum G/S Cabdulqaadir Xaaji Maxamed Masalle, oo ahaa Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Gudaha Ee Dowladdii Dhexe Ee Soomaaliya, ayaa taariikhdu markay aheyd 25/06/2015 ku geriiyooday Magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxaana geeridiisa si weyn uga wada naxay dhammaan Umadda Soomaaliyeed.