Goobta lagu soo Bandhigay Guddiga Farsamada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ergo ka socotay Galgaduud,Hiiraan iyo Koonfurta Mudug,Wasiirka Arrimaha guadaha maamulka Ximan iyo Xeeb,Waxgarad kaso noqday shirka Cadaado ee maamulka loogu samaynayo Galgadud iyo Koonfurta Mudug ,Madaxda Ahlu Sunna Waljamaaca iyo marti sharaf kale.
Saadiq Sheekh Yuusuf Xoghayaha Gaashaandhiga Ahlu Sunna oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa sheegay in Ergada shirka caawo loo qaybin doono Dastuurka shirka,si buu yiri ay uga baaran dagaan.
Hodon Cabdi Shire Guddiga Farsamada ayaa sheegtay inay gudan doonaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday,waxaana ay ugu baaqday Beesha Caalamka iyo Dawlada Federaalka inay taageeraan shirka Dhuusamareeb ka socda.
Ergada shirka ka qayb galaya ayaa ka baaraan dagaya Dastuurka KMG ah,waxaana ay maalmaha soo socda u codayn doonaan Dastuurka uu maamulku yeelanayo,waxaana la filayaa in todobaadyada soo socda la doorto Guddoomiyaha Baarlamanka,ku xigeenkiisa iyo Madaxweynaha maamulka Galgaduud,Hiiraan iyo Koonfurta Mudug.
Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka socda shirar lagu taageeray shirka maamul u samaynta Galgaduud,Hiiraan iyo Koonfurta Mudug.
Ahlu Sunna oo qayb ka ah shirka ayaa awood badna ku leh Galgaduud,waxaana ay gacanta ku hayaan inta badan Gobolka Galgaduud oo ay muddo ka arriminayeen.