DHAGEYSO:- Amar Cusub ka soo baxay Maxkamada Ciidamada ee Puntland

0

Taliyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Qeybta Gobolka Beri ee Maamulka Puntland C/fitaax Xaaji Aadan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ay dalbaneyso in la soo dadajiyo xukunka Eedeysanayaasha Dambiyada Culus eek u jira Xabsiga si loo mariyo Cadaalada.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in Sharciga la mariyo Eedeysanayaashaasi isla markaana lagu abaal mariyo waxa ay mudan yihiin oo ah Xukun.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Qeybta Gobolka Beri ee Maamulka Puntland ayaa horay Xukuno kala duwan ku riday Eedeysanayaal Maxkamada la horkeenay, Fariina u dirtay dadka Amni darada ka wada Deegaanada Gobolka Beri.