Muqdisho(AGGM) Cutubyo ka tirsan ciidamada xooga dalka soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Baladweyne ayaa maanta ku guuleystey inay la wareegaan degaano galbeedka kaga beegan magaalada Baladweyne oo ay gacanta ku hayeen kooxda Alshabaab.
Deegaanada Luuq Jeenow iyo Baaro oo 18 KM dhinaca Galbeed uga Beegan Magaalada Baladweyne ayaa si nabad ah waxaa kula wareegay Ciidanka dowladda iyo Kuwa AMISOM. Waxaana la sheegay inaan wax iska hor imaad ahi dhicin balse kooxda Alshabaab halkaasi ka carareen ka dib markii ay ka war heleen in lagu soo fool leeyahay.
Sidoo kale waxaa uu la sheegey in ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed ay fariisimo muhiim ah halkaasi ka sameysteen isla markaasna ay ku sii sugnaan doonaan halkaasi ilaa iyo inta ay gacanta ku wada dhigayaan degaanada ku jira gacanta kooxda falaagada ah e Alshabaab,waxaana ciidamada dawladu sheegeen inay sii wadi doonaan hawlgaladooda ciidan ee ka dhanka ah Alshabaab.
Alshabab waxay gacanta ku hayan inta badan degmooyinka gobolka hiiraan,waxaana ay la wareegeen xilligii uu Yusuf Dabageedo Gudoomiyaha degaanadaasi ka ahaan jirey,waxaana la sheegaya in hadda ay u muuqato in Alshabaab luminayaan degaano badan oo ay gacanta ku hayn jireen maadama awoodoodi ciidan ku soo arurtey is qarxin.
Ugu dambeyntii ciidamada dawlada oo garanb ka helaya kuwa Amisom ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda la wareegaan degaano badan oo ka tirsan dalka soomaaliya isla markaasna wali ku harsan gacanta Alshabaaab,waxaana taliska ciidamada xooga dalku shaaciyey inay bilaabayaan dagaalo ka dhan ah Alshabaab.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com