Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in ciidamada Maamulka Puntland ay xireen 80 qof oo Ethiopian ah, kuwaasi oo u socday Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
Dadkaan Ethiopian-ka oo isugu jira rag iyo dumar ayaa doonaayay inay ka tahriibaan Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, waxaana lagu qabtay tuulo ku dhaw magaalada Garoowe.
Dhamme Faarax Cabdullaahi Maxamed oo ah taliyaha saldhiga magaalada Garoowe ayaa warbaahinta u sheegay in dadkaan la qabtay ay ahaayeen 80 qof oo Rag iyo dumar ah, laguna qabtay duleedka Garoowe.
Waxa uu sheegay in sidoo kale lasoo qabtay dadkaan oo darawalada saddex gaari oo waday dadkaan ayna doonayeen inay geeyaan Magaalada Boosaso iminka xabsiga la dhigay.
Taliye Faarax Cabdulaahi wuxuu qeexay in Puntland marnaba aysan raalli ka aheyn in dad tahriibayaal ah ay soo maraan deeganadooda, wuxuuna tilmaamay in dadkaan baaris lagu sameynaayo, kadibna go’aan laga gaaraayo.
Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, ayaa waxaa ka tahriiba inta badan dad doonaayo inay tagaan dalka Sacuudiga, waxaana dadkaasi ay isugu jiraan Somali iyo Ethiopian.