Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa ka hadlay Muran Xuduudeedka u dhaxeeya Maamulada Koonfur Galbeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir, iyo sidoo kale Maamulada Puntland iyo Galmudug.
Wasiirka ayaa sheegay in ay socdaan daalo lagu xalinaayo muranadaasi isla markaana wax walbo si sharci ah lagu xalinayo
Waxa uu xusay in Wasaarada Arrimaha Gudaha aysan aqbali doonin in Muranadaasi ay ka dhashaan ganac ka hadal ama colaad u dhaxeysa labada Maamul ee Xuduuda isku heysta.
Dhanka kale Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay in Bisha Barakeysan ee Ramadaan ka dib ay bilaaabayaan dhismaha maamulka loo sameynayo shacabka dega Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.
Wasiirka ayaa tilmaamau in aysan aqbali doonin Maamul aan lahayn Baarlamaanka isla markaana Maamulka loo sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe lagu dhisi doono qaabkii lagu dhisay Maamulka Galmudug.