Xildhibaanadda baarlamaanka ee maamulka Puntland oo maalmahan ka doodaayey Siyaasadaha Muqdisho iyo Garoowe ayaa shalay yeeshay doodii ugu adkayd oo ku saabsan arintaasi.
Mid kamid ah Xildhibaanadda oo dooda ka hadlay ayaa carabka ku dhuftay in beesha Hawiye tahay mid aysan is jeclayn Reer Puntland sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaa ka yiri Horta Faal caytamay afka lagama dhawro Soomaalidu waa qabaa’il Hawiye dad aynu siyaasiyan isu jecelahay maaha, dadkaasi waxay wadaan xumaan sharciyadii ayaanay ku dhaqmayn”, ayuu yiri mid kamid ah Baarlmaaanka Puntland.
Maalinta Maanta ayay ku egtahay dooda ay baarlamaanka Puntland ka leeyihiin arimaha Federalka Soomaaliya waxayna sheegeen inay go’aan ka qaadan doonaan marka doodu dhamaato lamana oga waxa uu go’aankaasi noqon.