Wararka iminka ka soo gaaraya Warbaahinta Allgalgaduud Media magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in magaalada Kismaayo uu ka qarxay dagaal u dhaxeeya Maleeshiyaadka Beelaha Majeerteen iyo Ogaadeen.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ka darayaa in Dagaalkan uu ka biloowday ka dib markii mid ka tirsan maleeshiyada Raaskambooni ee Beesha Ogaadeen ay ka qaateen qori uu watay niman ka soo jeeda beesha Majeerteen.
Dagaalkan ayaa ilaa iminka waxa uu ka socdaa inta u dhaxeysa Hotel Kismaayo, Hotel Qiilmawaaye iyo Xarunta Maleeshida uu Hogaamiyo Gen. Darwiish.
Waxaa dagaalkan ilaa hadda naloo xaqiijiyay inuu ku dintay madaxii ilaalada Gen. Darwiish oo magaciisa naloogu sheegay Atoow.
Ilaa hadda ma ay jiraan wax war ah oo kasoo baxaya Horjoogeyaasha kala hogaaminaya labadaas Maleeshiyo Beeleed ee ku diriraya gudaha magaalada Kismaayo