Wararka Warbaahinta Allgalgaduud Media ka soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalki magaalada Kismaayo uu istaagay ka dib markii Maleeshiyadii Beesha Majeerteen ay isu dhiibeen Maleeshiyada Beesha Ogaadeen ee uu Hogaamiyo Axmed Madoobe.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in dagaal mudo kooban socday oo sababay dhaawaca iyo dhimashada maleeshiyaadka dirirayay iyo dad Shacab ahaa uu hadda gabi ahaan istaagay ka dib markii maleeshiyada Majeerteen looga adkaaday dagaalka intoodi badneeda isu soo dhiibeen kuwa Ogaadeen, iminkana waxaa gabi ahaan hubki ay siteen laga dhigay Maleeshiyada Beesha Majeerteen.
Dagaalkan ayaa waxa ugu tur weynaa ilaa hadda inta la xaqiijiyay geeridooda Madaxi amaanka Gen. Darwiish oo lagu magacaabi jiray Ato, sidoo kale waxaa jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qaar ka mid ahaa maleeshiyada Ogaadeen ee maanta ka adkaaday Kuwa Majeerteen.
Dhinaca kale waxaa jira qasaaro soo gaaray dadka shacabka ah oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, waxaana hadda dadka ay hor tuban yihiin si ay u xaqiijiyaan in eheladooda wax soo gaareen Isbitaalka magaalad Kismaayo.
Isku soo wada duuboo waxaa aad u adag sida lagu soo affjaro dagaalo beeleedyada ka dhaca magaalada Kismaayo maadaama aysan ka jirin wax maamul ah ayna heystaan beelo aaan dinacna u dhaafi karin magaalada Kismaayo dushana ay ka ilaaliso dowladda Kenya si ay ugu nagaadaan gudaha magaaladaasi.