Munaasabad lagu Caleemasaarayo Madaxweynaha Gobolada Dhexe iyo kuxigeenadiisa ee dhawaan ay Culumaa’udiinka Ahlusunna iyo dadka gobolada dhexe ku doorateen Magaalada Dhuusamareeb Sheikh Maxamed Shaakir Cali Maxamed ayaa maanta ka dhacaysa isla degmada Dhuusamareeb.
Xaflada Caleemasaarka ayaa waxaa ka qeyb galaya Siyaasiin iyo Odayaasha Dhaqanka Magaalada Dhuusamareeb sida uu Warbaahinta gudaha dalka u sheegay Afhayeenka KMG ah ee Maamulka Ahlusunna Waljamaaca Mursal Sheikh Maxamed Xayfoow.

Isku soo wada duuboo Gobolada dhexe ee Dalka ayaa waxaa ka jira Labo Maamul oo kala ah Maamulka Galmudug oo majaraa ay u ayaan kooxda Damujadiid oo Dowladda dhexe ay hogaamiyaan kooxda Damujadiid ay Aqoonsadeen iyo Maamulka Gobolada dhexe ee Culumaa’udiinka Ahlusunna ay dhiseen oo dadka Gobolada dhexe taageersan yihiin.
Hoos ka dhageyso wariye Jogga halkaasi oo la hadlay All-galgaduud Goor dhow.
Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media