Waxaa socday maalmihii ugu dambeeyay kulamo kala duwan oo looga hadkayay amaanka iyo nabad galyada magaalada taasi oo ka dhalatay ku dhawaaaaqistii maamulka dhawaan looga dhawaaqay magaalada dhuusamareeb iyo Doorashadii Degmada Cadaado.
Waxaa la sameeyay Sadex gudi oo kala ah gudiga Amniga Gudiga dhaqaalaha iyo Gudiga Marjaca si loo dhaqaajiyo meel marinta hindisama lagu doonayo hanashada amniga magaalada.
Gudiga amniga ayaa Xalay sheegay in uu socdo qorshe uuu doonayo inuu Madaxwaynaha Galmudug uu ku yimaado Degmada Caabudwaaq taasoo keentay in gudiga amnigu ay sheegeen inay ka hortagayaan.
Cabdifitaax Dhagafiin oo sheegtay Taliyaha Guud ee Amniga Degmada Caabudwaaq oo lahadlayay Shabakada All-Galgaduud media ayaa sheegay in doonayaan in ay ka hortagaan maamulada kala duwan ee dhawaan looga dhawaaqay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado.
Kuwaasi oo la sheegay inay ku soo wajahan yihiin labadoodu Degmada caabudwaaq si ay u sheegtaan Hoos imaanshiyaha Degmada si midba kan kale uu oga hormaro hanashada Degmadan oo ah mid muhiim ah kana Maadaama ay tahay degmada ugu wayn gobolka Galgaduud.
Hoos ka dhageyso wareysiga:
Daawo sawirro kulan ay cabudwaaq ku yeesheen waxgaradka deegaanka: