LIVE U DHAGEYSO :- Madaxweynaha Oo Hadda Tababarkii U Soo Xirey Ciidamadii Xoogga Dalka Ee Kismaayo

0

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sh. Maxa’uud oo tagay Magaalada Kismaayo ayaa kaga sii gudbay dhinaca xerada Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin duleedka Kismaayo halkaas oo uu ciidamada hadda kula hadlayo.

Hadallada madaxweynaha uu halkaasi ka jeedinayo waxaa ka mid ah in qaar badan oo ka mid ah Dadka Dagaallamaya aanay garaneyn sababta ay u dagaallamayaan.

Madxaweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa ka qayb galay Munaasabad Tababar loogu soo xirayay CiidamaddaXooga dalka Soomaliya iyadoo Munaasabaddaas ay goob joog a haayeen Mas’uuliyiin ka socotay Wakiillada Dowladaha itoobiya, IGAD,  Midowga Yurub, AMISOM  iyo Dowladda Ingiriiska oo iyadu mas’uul ka ahayd dib u furitaankii xaridaan lagu Tababaro Ciidamadda dawladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhinaca Kale Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Jen Daahir Aadan Cilmi “Indho Qarshe” ayaa sheegay in  ay Saldhigga sadaxaad ee Ciidamadda Xoogga dalka ee magaalada kismaayo ay qayb wey ka qaadan Doonto isku dhafka ciidamadda Dowlad Gobolleedyada oo lagu Tababari Doono Xiradaas si  looga Awood Roonaado Kooxaha argagixisada ah ee Shabaab.

 

 

halkan ka dhegeyso Khudbadda Madaxweynaha uu ka jeednayo Xerada Ciidamada ee Duleedka Kismaayo.