War Deg Deg Ah: Ninkii Ugu Sareeyey Shiicadda Masar Xasan Shaxaata Oo Caawa La Dilay ( Daawo)

0

BNdnBn4CcAAHoj6London(AGGM) Iyadoo maalmihi la soo dhaafay uu sii xoogeysaney iska hor imaadyada u dhexeya Musliiminta Sunniga ah iyo sheecada dalka Masar ayaa waxaa caawa gudaha dalka Masar gaar ahaan tuulada AlJiisa kooxo sunni ah oo caraysani guriigisa ugu galeen hogaankii shiicada dalka masar kaasi oo lagu magacaabi jirey Xasan Shaxaata.

Ninkan lagu magacaabo Xasan Shaxaata ayaa ahaa nin neceb sunniga isla markaasna dhawaan ka soo laabtey dalka Ciraaq gaar ahaan magaalada Aljanaf waxaana oo soo baranayey sida la sheegey daruus ku saabsan shiicanimada,waxaana ninkani sii xun caayi jirey Nabigeena Maxamed (SCW) iyo asxaabtiisa.

Ninkan ayaa la sheegey inuu dhawaan tv laga leeyahay dalka Iiraan ka aflagaadeeyey Asxaabadii waxaana la sheegey inuu inta badan diinta islaamka ku aflagaadoon jirey,waxaana taasi sababtey in boqolaal shacab reer masar ahi gurigiisa xoog ku galaan isla markaasna dilaan oo maydkiisa jiid jiidaan wadooyinka isaga iyo 3 ka mid ah ilaaladiisa,waxaana la sheegayaa in maydkiisa la gubay.

Ma jirto cid ka tirsan dawlada dalka Masar oo ka hadashay ninkaasi dilkiisa,waxaana la sheegayaa in shacabka dalka masar caawa aad isugu soo baxeen isla markaasna muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin dilka Ninkaasi oo caan ku ahaa aflagadeynta shareecadda dhabta ah ee islaamka.

BNdnBn4CcAAHoj6

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com