Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somalia Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) oo Warbaahinta Shir Jaraa’id ugu qabatay Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Dalka Somalia Ayaa soo bandhigtay Qorshaha ay ku shaqeeynayaan .
Xaliimo Yareey Ayaa sheegtay in hadda ay ku jiraan diyaargaroow ku aadan Sanadka 2016-ka Waxaana maanta ay magacaabeen 9 Xubnood.
Xaliimo Yareey Ayaa Madaxda dalka ugu baaqday Madaxda Dalka in ay soo bandhigaan Qorshahooda ku aadan waxayaabaha lagu badalayo mar haddii aanay dhicin doorasho Guud oo hal qof iyo hal cod ah.
Waxa ay dhinaca kale ka hadashay arimo ku aadan Madaxda dalka oo doonaya in ay dib ugu soo laabtaan jagada madaxtinimo Ee Dalka Somalia iyada oo sheegtay in qof kasta uu xur u yahay in uu dib u soo laaabto.
Halkan ka dhageeyso Shirka Jaraa’id Ee Xaliimo Yareey oo dhameeystiran.