Xasan Daahir Aweys Oo Lagu Muransan Yahay Meel Uu Ka Baxay

0

Xasan-DaahirMuqdisho(AGGM) Sheekh Xasan Dahir Aweys oo ka mid ah hogaamiyeyaasha Shabaab ayaa si qarsoodi uga baxay degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose, halkaasoo horay saldhig ugu aheyd, iyadoo deegaanka uu iska hor imaad ka dhacay khamiistii.

Warbaahinta caalamiga iyo kuwa gudaha ayaa aad uga hadlayay xaalada Baraawe ka jirtay maalmihii u dambeeyay, markii la sheegay inay ku dagaalameen ciidamo ka wada tirsan Shabaab. Waxaana la aaminsan yahay inuu ka baxay Xasan Daahir Aways Magaalada Baraawe isla markaasna u jiheystey degaano kale.

Deegaanka ayaa muddo saacado ah hawada laga bixiyay Isgaarsiinta, markii ciidamo ay weerareen, iyadoo labadii maalmood ee u dambeysay ay soo baxday in rag sar sare oo ka tirsan Shabaab la xir xiray, halka qaarkoodna la dilay. Waxaana la xaqiijinaya inay falkaasi fuliyeen garab ka tirsan ciidamada daacada u ah Hogaanka Alshabab Axmed Cabdi Aw Maxamuud Godane.

Hase ahaatee Sheekh Xasan Dahir Aweys oo dhowaan naqdiyay go’aamada uu qaato hogaanka Shabaab, kuna eedeeyay keli talisnimo ayaa la sheegayaa inuu ka baxay deegaanka oo aan si dhab ah loo ogeyn halka uu jaan iyo cirib dhigay. Xasan Daahir Aweys ayaa maalmihi u dambeeyey ka soo horjeeday awaamiirta ka soo yeerta hogaanka Alshabaab,waxaana la sheegey inuu ku gacan sayrey inuu ka soon horjeestey Axmed Cabdi Godane.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya, waxaana caawa fiidkii qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ay ka hadlayeen xaalada Sheekh Xasan Dahir Aweys, waxaana wararka idaacadaha ay ahaayeen kuwo aad u kala duwanaa. Waxaana la aaminsan yahay inuu u baxsaday gobollada dhexee dalka soomaaliya halkaasi oo ay ku xoogan yihiin garabkiisu.

Idaacaduhu ayaa ku kala sheegay in Sheekh Xasan Dahir uu gaaray degmada Xarardheere iyo tuulo u dhow Hobyo oo ka tirsan Gobolka Mudug, isla markaana uu ku gaaray Doon, laakiin si dhab ah looma xaqiijin karo wararkaas, maadaama la heyn war sugan. Balse waxaa la aaminsan yahay inuu gaaray degaano u dhaw dhaw ceelbuur ee gobolka galgaduud.

Goor sii hore ayaa war lagu soo daabacay bogga Somalimemo oo ku hadla Afka Shabaab ayaa lagu sheegay in Sheekh Xasan Dahir Aweys uu si qarsoodi ah uga baxay Baraawe, meel uu aadayna aan la sheegin. Warbixinta lagu soo qoray bogga Shabaab ayaa lagu sheegay in Xasan Dahir iyo xubno la socday oo ka mid ahaa Xisbul Islaamki hore oo dhowaan sheegay inay ka baxeen midnimadii Shabaab maalmihii u dambeeyay wada hadal u socday dowladda Qadar.

Ugu dambeyntii arrintan ayaa durba noqday kuwo aad uga dhex guuxayay warbaahinta iyo bulshada dhexdeeda, markii ay soo shaac baxday in Sheekh Xasan Dahir Aweys uu ka baxay Baraawe, oo muddo saldhig u aheyd.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com