Wararka naga soo gaaraya saaka magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in shalay galinkii dambe lagu arkayay gudaha magaalada Kismaayo Gaadiid lagu gurayo sawirada Horjoogaha Maleeshiyo Beleedka Raaskambooni Axmed Madoobe oo dhawaan lagu xardhay wadooyinka magaalada Kismaayo.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in gabi ahaan laga guray sawiradii Horjoogaha Maleeshiyo Beleedka Raaskambooni Axmed Mdoobe ee dhawaan lagu xardhay wadooyinka magaalada Kismaayo, kadib markii sida wararka aan ku eleyno uu isagu baxshay amar ah in laga soo guro.
Ilo wareedkeena ayaa waxa uu sheegay in uu Horjooge Axmed Madoobe si cad uu u yiri ma ay dhacayso wax doorasho ah dib ayaana loo dhigay ee sawirada ka soo gurra wadooyinka.
Dhinaca kale waxaa jira in doraad ay gaareen magaalada Kismaayo wafdi uu horkacayay Faarax Cabdulqaadir uuna ka mid ahaa Cabdiraxmaan dheere oo labaduba ka tirsan urur Diimeedka Damujadiid ee uu ka tirsan yahay Xasan Sheekh Maxamuud, sida aanu xogta ku heleynana ujeedka safarkooda ayaa waxa uu salka ku hayay oo ay kala hadlayeen Horjooge Axmed Madoobe laba qodob in doorashada uu sheegay uu dib u dhigo iyo in Baralamaan ku sheega been abuurka ah ee Raaskambooni muranka ka taagan la xaliyo.
Isku soo wada duuboo waxaan la ogeeyn halka ay saldhigan doonaan khilaafyada sii xoogeeysanaya ee ka taagan deegaanada gobolada Jubbooyinka, sidoo kale waxaan la ogeyn waxa uu yeeli doono Horjoogaha waqtigiisu gabaabsiga yahay Axmed Madoobe oo 26 goosto ugu egtahay xiligii loo qabtay ee KMG ahayd iyo Horjooge Axmed Madoobe oo ay iminka soo wajaheen khilaaf u dhexeeya Maleeshiyo Beeleedkiisa, Siyaasadiisi oo fashilantay, Gobolada kale ee Jubbooyin oo maaliba maalinta ka dambeysa gacanta u galaya dhinaca hubeysan ee ka soo Horjeeda.