Wararka iminka naga soo gaaraya degmada Doolow Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in Gudoomiyii Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil iyo Saraakiishi gobolkaas ay dowladda Itoobiya ku xirtay Doolow Itoobiya.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in saraakiisha Ciidamada Dowladda Itoobiya ay amreen xariga Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil iyo Saraakiishi gobolkaas.
Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil iyo Saraakiishi gobolkaas ayaa waxa ay Doolow u tageen shir ay soo qaban qaabisay Dowladda Itoobiya kaas oo ahaa markiisi horeba mid shirqool ah.
Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ka biloowdeen degmooyinka Baardheere, Garbahaarey Iyo Buurduubo waxaana laga cabsi qabaa in degmooyinkaas uu ka qarxo saacadaha soo socda dagaal u dhexeeya Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya dadka deegaanka iyo Ciidamada Itoobiya.
Isku soo wada duuboo xariga Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil iyo Saraakiishi gobolkaas ayaa ilaa hadda waxaan ka hadlin ama wax war ah kasoo saarin Dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud oo la tuhunsan yahay inay lug ku leedahay xariga Madaxda iyo saraakiisha gobolka Gedo.