WAR DEG DEG AH: Dagaalki Jubbooyinka Oo Si Dhab Ah U Biloowday Iyo Abaabul Dagaal Oo Ka Dhan Ah Ciidamada Itoobiya Oo Ka Socda Garbahaarey, Baardheere Iyo Buurdhuubo.

0

Wararka iminka naga soo gaaraya degmooyinka Garbahaarey, Baardheere, Buurdhuubo iyo deegaanada hoostaga ayaa waxa ay sheegayaan in ay ka socdaan abaabul dagaal oo ka dhan ah ciidamada Itoobiya.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in ay iminka ka socdaan dhamaan deegaanada hoostaga Garbahaarey, Baardheere Iyo Buurdhuubo guluf colaadeed oo ka dhan ah ciidamada Itoobiya oo ay wadaan ciidamada Dowladda oo garab ka helaya dadka deegaanka.

Xiriir aan la sameeynay mid ka mid ah Sarkiisha horkacaya gulufkan colaadeeed ee ka dhanka ah ciidamada Itoobiya ayaa waxa uu yiri “Adeeroow Dagaalki Jubbooyinka haduu si dhab ah u Biloowday, Itoobiya waxbadan ayay iska dhigeeysay inay dhex dhexaad ka tahay arrimahan cakiran ee ka jira Jubbooyinka, Laakiin markan banaanka ayay isa soo dhigtay Itoobiya, waxa ay wax ku maqleeyso ayaan sameynaynaa taas oo ah in ciidamadeena aan kala baxno dhamaan furimaha, dagaalna aan la galno ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan gobolka si aan uga saarno deegaanada gobolkan iyo guud ahaan Soomaaliya oo dhan”. waa sida uu yiri Sarkaalkan.

Gulufkan Colaadeed ee ka socda dhamaan deegaanada hoostaga degmooyinka Garbahaarey, Baardheere Iyo Buurdhuubo ayaa waxa uu yimid ka dib markii caawa fiidki Saraakiisha ciidamada Itoobiya ay si cad u sheegeen in Gudoomiyaha Gobolka Gedo iyo Saraakiishi gobolkaas inay xabis galiyeen.

Dhinaca kale waxaa socda abaabulka dibadbaxyo oo ka dhan ah Dowladda Itoobiya iyo ciidamada ka jooga dalka Soomaaliya gaar aaan gobolka Gedo.

Isku soo wada duuboo waxaa aad u kacsan dhamaan Ciidamada Dowladda iyo shacabka gobolka Gedo oo dowladda Itoobiya u arka inay kula jirto dagaal gaar ah dadka daga gobolka Gedo, waxaana suuragal ah in dagaalka ka biloowda gobolka Gedo uu ku eekaan gobolka Gedo ee uu saameeyo gabi ahaan gobolada kale ee ay ciidamada Itoobiya ka joogaan dalka Soomaaliya.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media