Waxaa ah ayaan daro iyo murugo in dadkii Soomaaliyeed ay u kala tartamayaan qancinta ama marxabeynta gumeystaha.
Waxaa sidoo kale iyana ah ayaan daro iyo murugo in dadkii Soomaaliyeed laga la’ayahay inay ka hadlaan amaba diidaan gumeysiga qurmuun ee dalkeeni la galiyay ee ay horkacayaan Kenya iyo Itoobiya, dushana ay ka ilaalinayaan ama ku bixinayaan lacagaha kuwo la baxay Beesha Caalamka.
Soomaali maxaa damiirka iyo dadnimadi ka qaaday? Soomaali ma waxay dan iyo sharaf mooday qancinta iyo marxabeynta Itoobiya, Kenya iyo kuwa la baxay beesha Caalamka? Soomaali Ma Gunnimadi laga faani jidhay ayaa maanta u noqotay mid lagu faano? ma sidan ayaan u dambeysay SOOMAALI?
Waxaan baaq u dirayaa dhamaan inta maskaxdoodu caafimaad qabta arkayana waxaan arko ee maskaxdooda aan lagu maaweelin karin Soomaaliya Waa Dal Xor Ah, Soomaaliya Dowlad ayaa ka jirta, Calan kaliya oo meel kalushaa lama yiraahdo XORINIMO. Soomaaliya Gumeysi Ayay Ku Jirtaa, sidaa awgeed waa in aad kacdaan oo dalkan laga xoreeyaa gumeystaha gumeysiga la qurxiyay Ummada Soomaaliyeed ku maaweelinaya.
Waxaa hubaal ah dadka Soomaaliyeed inay maanta fursad dahabi a u haystaan sidii ay u bad baadin lahaayeen dalkooda, dagaalka gumeystaha isbaheystay ee le Madoow iyo Cadaanba maanta ayuu biloowday ee alaga qayb qaato.
Sidoo kale waxaan baaq u dirayaa dhamaan qaybaha beesha Mareexaan SADE , waxaa hubaal ah in la gaaray maalinkaad sugeyseen taariikhdana u laheydeen ee aad muuqan jidheen, waa maalinkii dalka iyo dadka Soomaaliyeed la xoreenayo, waa maalinka dhibka iyo shidada iyo daandaansiga leydinka deeyn waayo, waa maalinkaad qaadan jirteen doorka ugu muhiimsan, waa maalinkii wiilkii kibra aad bari jideen waxa uu yahay, maanta ayaana la joogaa maalinkaad oran jidheen.
Shalaay waa ku imaan dhiigayaga qoomki shafeecsadaa.
Ma shifeysan jirin godab ninkii naga shaqeestaaye.
Qabiilkii shar noo maamulaa guul mashiiqsado.
Shido iyo xumaan kama helno iyo shir iyo duulaane.
Mashuqeeyno deegamadaan sheeda wada naale.
Sharaf baan wax kula qeybsanaa shacabka soomaale.
Intii nabad lasheel sheelin karo waan u shiin tirinaa.
Dabka nalgu shido maalinkuu shuuqa damin waayo.
Sheekada markii la isku dhaho lag shiil roonaaye.
Ayaan sida shamsad iyo dayax shaac u noqonaaye.
Dad ninkii shanshada buuxsantay iyo kibir ubeen sheego.
Dharaar shaahid loo wada yahaan kaga shaneeynaa.
Shisheeye iyo sokeeyaba horuu nooga marg sheegi
Cadkayaga nin shiiqsadaa la waa shuunkas toos yahaye
Shaf nalooma tumo goob dagaal ama shahiid yaale
Naftu marbay baxaysaa, aduunkana nina ku waari maayo ee uun waa lakala horeeyaa, balse waxaa ayaan daro ah in aad ogolaataan inaad 1000 sano ku noolaataan gunimo adinkoo ogsoon inay dhaanto inaad maalin gobanimo ku noolaataan, maanta waa maalinkiini aad Gobanimada iyo sharafta midigta ku dhigi jidheen ee ha daayicina fursadan qaaliga ah.MAREEXAANOOW SADE IYO SOOMAALIBA ADINKEEY IDIN SUGAYAAN EE DABKA QAADA.
Gabagabadi kuwa Hor-galada u ah Gumetaahoow waxaan idiin sheegayaa dagaalki labaad ee dunida, wadamadi dowladda NAASIGI HITLERS Yurub noociina oo kale ayay ku saqeeysan jirtay, Soomaali noociina oo kale horey ayay usoo aragtay oo wax walbaa ayay isku dayeen waana loodi waayeen Soomaali, bal baxa oo taariikhday ka tageen baara kuwii u shaqeenayay dowladdii NAZIGA ahayd ee HITLER, miyaad aragteen MARKA Taariikhdooda laga sheekeenayo iyo foolxumadi ay ku danbeeyeen? miyaad aragteen Marka Taariikhdooda laga sheekeenayo kuwii Soomaalida ahaa iyo foolxumadi ay ku danbeeyeen? gumeystahay u shaqeenayeen xataa ma xuso kamana sheekeeyo, adinkana sidaa baa idiin dambeynaysa, waana xaqiiq Soomaali inay Guuleysanayso aana la gumeysan doonin xaalkiinuna uu ku dambeyn Doono Fashil iyo I Qarsha Insha Allaah.