DAAWO: Col. Aadan Rufle “Gudoomiyihi Iyo Saraakiishi Gobolka Gedo Dowladda Itoobiya Ayaa Xirtay, Dowladda Soomaaliyana Kama Hadli Karto” Iyo Digniin Uu U Diray Itoobiya.

0

Korneyl Aadan Axmed Xersi (Aadan Rufle) oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka Ee Gobolka Gedo, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in maxaabiis ay yihiin Saraakiishii Ciidamada Dowladda iyo Maamulkii Gobolka Gedo ka jirayba.

Wuxuu sheegay in Masuuliyiinta la xir xiray ay ka mid yihiin Ex Xildhibaan Maxamuud Siyad Aadan, Gudoomiyihii Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed, Sheekh Maxamed Maxamuud Yuusuf (Awlibaax), Gudoomiyihii Gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil, Ku Xigeenkiisii, Cabdi Barre Cabdi, Taliyihii Qaybta 60-aad Guutada 99-aad, C/laahi Isaaq Cismaan, Taliyihii Saldhiga 43-aad Guutadeeda 1-aad, Korneyl Cabaas Ibraahim Gurey iyo Gudoomiye-yaashii Degmooyinka Gobolka Gedo.

Korneyl Aadan Axmed Xersi, ayaa sheegay 4-tii illaa 5-tii bishan in Masuuliyiinta la xir xiray loo sheegay in lala hadashiinaayo Madaxda Maamulka Jubbaland, iyagoo markaasi la geeyay qayb ka mid ah dhulka Itoobiya. Waxayna waayeen xornimadooda, wixii ka dambeeyay 5-tii bishan, sida uu yiri.

Hadii aad maqli Jirteen, Dilaaliin Sool, Sanaag iyo Cayn Dulaystay oo Daba Dhilif ah, Badalkoodii maanta wuxuu Joogaa Doolow, Halaga Digtoonaado, gacmaha waa in la is qabsado”

Hoos Ka Daawo