Wararka iminka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ku sugan magaalada Muqdiso ayaa waxa ay sheegayaan in ay madaxa sare ee Dowladda Soomaaliya ay wax ka og yihiin lana wataan qorshaha Itoobiya ay xariga ugu geysatay Gudoomiyaha Iyo Saraakiisha Ciidamada Gobolka Gedo.
Warkan iminka naga soo gaaraya Ilo wareedkeena Muqdiso ayaa waxa uu sheegayaa in Madaxweynaa Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raiisulwasaare Cumar Cabdirashiid ay labaduba ku lug leeyiiin waxna ka og yihiin xariga Itoobiya ay u geysatay Gudoomiyaha Iyo Saraakiisha Ciidamada dowladda ee Gobolka Gedo.
Ilo wareedkeenan ayaa sheegay “Adeeroow Madaxweynaa Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raiisulwasaare Cumar Cabdirashiid labaduba waa niman si toos ah iyo si dadbanba ulla shaqeenaya dowladda Itoobiya, Damiir iyo Dadnimo ay ku diidaan qorshaha Itoobiya ay ku qabsanayso Soomaaliyana malaha,waxaan idiin sheegayaa labadaas nin ninkii wax ka sugayoow adaa cirka roob ku og, waxaanse Alle uga baryayaa Ummada Soomaaliyeed inuu dhaafiyo Basaasiinta Itoobiya u shaqeeya labada xil ee dalka ugu sareeya haya iyo kuwa sheegta Xildhibaanada ee u haysta qancinta dowladdaha shisheeye inay tahay shaqadooda. waa sida uu hadalka u yiri ilo wareedkeena.
Dhinaca kale waxaa socda kulamo iyo kacdoon ka socda magaalada Muqdiso oo ay wadaan Siyaasiyiin iyo Waxgarad Soomaaliyeed oo looga soo horjeedo xariga dowladda Itoobiya ay u geysatay Gudoomiyaha Iyo Saraakiisha Ciidamada dowladda ee Gobolka Gedo.
Isku soo wada duuboo ma ay ahan markii ugu horeysay ee saraakiisha hoose ee dowladda Itoobiya xarig u geystaan Mas’uuliyiin iyo Saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, balse waxaa la oran karaa waa wax si joogto ah ama caado uga noqday Dalka Soomaaliya oo sida la sheego ah dal madax banaan islamarkaana leh dowladd iyo Baarlamaan, inta badana Dowladda iyo Baarlamaanka la sheego ayaan ka hadlin amaba lahayn awood ay uga hadlaan tacadiyada sida bareerka ah loogu bahdilayo Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed.