DHAGEYSO WAREYSI GAAR AH: Sheekh Cabdiraxmaan Axmed (Al Ansaari) Oo Ka Warbixiyay Waxii Ka Dhacay Doolow Iyo Siday U Arkaan.

0

Gudoomiyaha Ahlusunna Waljamaacada Koonfur Galbeed Soomaaliya Sheekh Cabdiraxmaan Axmed (Al Ansaari) oo markuu soo gaaray magaalada Baardheere wareeysi gaar ah siiyay warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa uu sheegay in Gudoomiyihi iyo Saraakiishi ciidamada dowladda ee gobolka Gedo inay ku xiran yihiin magaalada Doolow Itoobiya.

Sheekh Cabdiraxmaan Axmed (Al Ansaari) ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in shirkii Doolow uu ahaa mid shirqool ah oo ay soo maleegeen kooxda Axmed Madoobe ee aysan meesha haba yaraato’e ka jirin wax xal doon ah, halka iyagu uga soo kicitimeen magaalada Baardheere in la xaliyo khilaafka ragaadiyay gobolada Jubbooyinka.

Isku soo wada duuboo Sheekh Cabdiraxmaan Axmed (Al Ansaari) ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in loo bahaan yahay in dowladda Soomaaliya maadaa ay seeganayso inay dalka xukunto ay soo faragaliso waxa ka socda gobolka Gedo oo aysan iska daawan.

 

Hoos Ka Dhageyso Wareysigan Gaarka Ah Oo Dhameystiran

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media