KU: Maamulka Ku-Meelgaarka ee Dawlad Goboladeedka Jubbaland
Ku: Madaxda Dawladda Federaalka ee Soomaaliya
KU: Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
KU: Wakiilka AU ee Soomaaliya
KU: Wakiilka IGAD ee Soomaliya
KU: Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya
KU: Ugaasyada, Salaaddiinta, iyo Dhammaan Waxgaradka Jubbaland
Waxaa maalmahaan dambe dadka reer Jubbaland dhagahooda ku soo dhacayey warar sheegaya in doorasho madaxweyne la qaban doono bisha Augost 15, 2015. Doorasha uu iclaamiyey maamulka ku meel gaarka ee Jubbaland waxay u muuqataa mid lagu xagal daacinayo dhammaan dadaalladii dalka laga waday ee la doonayey in loogu saldhigo dawlad goboleedyo ay dadku heshiis ku yihiin.
Waxaa xaqiiq ah in ummadda Soomaaliyeed ka dharagsan tahay xaaladda gobollada Jubboyinka iyo khilaafaadka baaxadda weyn ee ka dhex jira dadka gobolladaas wada dego.
Qurbajoogta Jubbaland waxay u arkaan ololaha doorashada ee laga iclaamiyey Kismaayo mid lagu degdegay oo aan waaqici ahayn, waxayna ku talinayaan in la hakiyo oo dib loo dhigo doorashada la sheegay in madaxweyne
loogu dhisayo dawlad goboleedka Jubbaland, sababahaan awgood:
1- Bulshada Jubooyinku heshiis ma aha, fursadna looma siin in ay heshiiyaan oo si wadjir aha aayaha Jubbaland uga tashadaan.
2- Dhammaan gobollada Jubbooyinka oo aan xor ahayn.
3- Jawiga Kismaayo ka jira ma saamaxayo in muwaaddiniintu si xor ah ay uga tartamaan ama ka sameeyaan loollan madaxtinimo.
4- Baarlamaanka DF oo si sharci ah u diiday jiritaank baarlamaanka Jubbaland iyagoo saldhig uga dhigay in qaabkii loo maray uusan waafaqsanayn dastuurka dalka iyo rabitaanka bulshada gobolka.
5- Xiriirka DF iyo maamulka Jubba oo aan wanaagsanayn ayna adag tahay in ay taageeraan ama la shaqeeyaan waxa soo bixi doono doorashadaas oo natiijadeedu iska caddahay.
Haddaba iyadoo la qiimeynayo arrimaha kor ku qoran, waxaan u argnaa tala soo jeedinta in doorashada dib loo dhigo ay tahay mid mudnaan leh, una baahan in dhaqso loo taabbageliyo. Midowga Qurbajoogta Jubbaland, waxay si qoto dheer isu barbardhigeen waxa ka imaan kara wanaag iyo xumaan midba haddii lagu degdego qabashada doorashada iyo haddii dib loogu dhigo waqti ciyiman.
Waxaan aaminsanahay in xaaladdu sida ay hadda tahay gaar ahaan caqabadaha kor ku xusan in ay lagama maarmaan tahay in dib loo dhigo doorashada la shaaciyey si fursad loogu helo xal u raadinta arrimaha murugsan ee kor ku xusan.
Doorasho madaxweyne ee dawlad goboleed waa mid xasaasiyad badan leh una baahan wacyigelin bulsho, diyaargarow, iyo in la abuuro jawi ku habboon qabsoomidda doorasho xor ah.
Waxaan aaminsannahy in jawiga gobolka ka jira uusan dadka u saamaxayn in si xor ah ay madaxdooda u doortaan; sidoo kale waxa la ogsoon yahay iyo baarlamaanka la rabo in uu doorto madaxweynaha uu yahay mid aan ku imaan rabitaanka bulshada ee lagu keenay inuu fuliyo rabitaanka koox gaar ah.
Guddiyada doorashadu waa in ay yihiin kuwa ay u siman yihiin dhamman dhinacyada dantu ka dhexeyso.
Natiijada laga filan karo doorashada la iclaamiyey inay dhacdo August 15, 2015 waa mid iska cad oo cidwalba oddorosi karto, waana xaqiiq in ay abuuri doonto khilaaf cusub iyo kalsooni darro hor leh ee bulshada Jubbaland dhexdeeda ah.
Doorasho jawigaan lagu qabto waxay horseed u noqon doontaa fashil guud oo ku yimaada rajadii dowlad ka dhalata gobbollada Jubbooyinka.
Qurbojoota Jubbaland waxay aad uga welwesan tahay cawaaqibxumida ka imaan karta haddii la qabto doorashada la qorsheeyey in ay dhacdo Augut 15, 2015, sabtoo ah waxay yeelan doontaa natiijo aan mirodhal ahayn, mana noqon doonto mid ay soo dhaweyn doonaan dadka jubboyinku waxayna muujinaysaa sida maamulka ku-meel gaarka ah ee hadda ka jira Kismaayo uu xaqiiqda uga fog yahy iyo sida ay uga fikirayaan dano gaar ah ama mid kooxeed oo kaliya ee uusan innaba ka fikirayn danta bulshada Jubbaland.
Waxaan si adag uga soo horjeednaa qabashada doorasho hal dhinac ah oo aan bulshadii gobolladu u dhammayn; sidaa daraadeed, annagoo ah dad sama ka talis ah, waxaan xal u aragaa in maamulka hadda jiro loo kordhiyo muddo 6 (Lix) bilood ah si la isugu keeno bulshada gobollada jubboyinka isla markaasna loogu diyaargaroobo doorasho xor ah oo loo dhan yahay.
Doorasho kasta oo ka dhacaysa Jubbaland waa in ay noqotaa mid taladeeda ay ka heshiiyeen bulshada ku nool seddexda gobol ee Jubbaland.
Wabbillahi Towfiiq.
Prof. Warsame Hassan Ali, Ph.D (Chairman)
Prof. Mohamed Ali Arko
Dr. Mohamed Ali Nur Ph.D
MS. Omar Sheik Mohamoud
Dr.Abdihamid Farah Hersi
Dr. Abdi Farah Hassan
Dr. Abdiqakani Sheik Ali Dini
Dr. Abdirashid Sheik Ali Qote
Dr. Said Ashkir Dafar
Dr. Abdinur Sheik Abdisalam
Dr. Abdinasir Sheik Abdulle
Dr. Abdirisak Mohamed Hared
Dr. Mohamed Farah Sharif
Dr. Dahir Ali Omar
Dr. Hussein Qurac Ali
Dr. Salah Ahmed Barre
Eng. Sandhol Khalaf
Eng. Jamal Mohamed Abdulle
Prof. Warsame Hassan Ali, Ph.D
Guddoomiyaha Qurbajoogta Jubbaland
Warshu@aol.com