DHAGEYSO WAREYSI: Xildhibaan Magan : Masuuliyiin uu ku jiro Gudoomiyaha Gedo ayaa u Xeran Ciidanka Itoobiya ee Doolow Jooga.

0

Xildhibaan maxamuud cali Magan oo ka mid ah xildhibaanada Barlamaanka federaalka ee ka soo jeeda jubooyinka ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay u xeran yihiin gudoomiyihi Gobolka Gedo  masuulyin iyo Sarakiil ciidan kadib markii ay ka biya diideen inay la shaqeeyaan Axmed Madoobe oo Itoobiya ay isku dayday inay ku qasabto masuuliyiintaasi Sida uu hadalka u dhigay xildhibaanka .

Masuuliyintan ayaa xabsi guri ku ah  Dagmada Dooloow waxana ka mid ah Maxamed Cabdi Kaliil Gudoomiyaha Gobolka gedo Maxmed Awlibaax iyo Maxamuud Sayid Aadanl, Sida uu sheegayo

Masuuliyiinta waxa ay si gaar ah ugu xeran yihiin Dooloow Itoobiya.

Xerigooda waxa uu  ka dambeeyay markii ay isku fahmi waayeen maamul cusub oo ay Itoobiya la rabtay Gobolkaasi   Ayuu Yiri Xildhibaan Magan.

Dowladda federalka gaar ahaan Wasaaradaa Arimaha Gudaha wax  laga xumado ayuu ku tilmaamay inaay ka hadal ilaa hada .

Bulshada Gedo waxa uu tilmaamay inay ku xadgudbeen Ciidanka Itoobiya  waxana uu isweydiiyay inay ka mid yihiin Nabad ilaalinta ciidanka u joogo soomaliya ee Amisom iyo in kale Xukuumada hadii aanay ka jawaabin Anagu aamusi mayno ayuu yiri xildhibaan Maxamuud Cali Magan.

Hoos ka dhageyso: