Madaxweyne Bare Hiiraale Oo Caawa Wada Qaban-Qaabada Soo Dhaweynta 26-ka June

0

Barre-HiiraaleKismaayo(AGGM) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Col Bare Aadan Shire ( Hiiraale) oo ilaa maanta kulamo muhiim ah la qaadanayey taliska ciidamada Amisom Iyo Waxgaradka Magaalada Kismaayo ayaa galabta kulankaasi soo gabagabeeyey,waxaana kulankaasi ahaa mid looga hadlayey arrimo badan oo ku aadan xaalada kismaayo iyo qaban-qaabada Xuska 26 Juun oo muhiim u ah shacabka soomaaliyeed isla markaasna ah markii ay ka xoroobeen gumeystaha.

Madaxweyne Bare Aadan Shire oo caawa ka hadlay Idaacada Radio Jubba ee Magaalada Kismaayo ayaa sheegey in Xaruntiisa Madaxtooyada caawa saqda dhexe laga qaban doono Munaasabada soo dhaweynta 26 Juun waxaana uu sheegey in dhamaan waxgaradka magaalada Kismaayo iyo shacabku ka soo qayb galayaan isla markaasna amaanka xaruntu tahay mid aad loo adkeeyey.

Xarunta Madaxtooyada Jubbaland ee Madaxweyne Bare Hiiraale ayaa caawa laag dareemayaa mashquul badan,waxaana la arkayaa gaadiid badan oo calanka soomaaliya ka lulsho isla markaasna ay dad saaran yihiin oo ku xeroonaya xarunta Madaxtooyada,waxaana lagu wadaa caawa in 12 :00 Habeenimo calanka soomaaliya la saaro halkaasi.

Dhinaca kale Madaxweyne Bare Aadan Shire waxaa uu sheegey in munaasabadan tahay mid aad loo wada sugeyey isla markaasna shacabka soomaaliyeed ku xisaabtamaan maadama ay tahay waqtii ay ka xoroobeen gumeystayaashi talyaaniga iyo Ingiriiska,waxaana uu sheegey inay si weyn munaasabadaasi u qabanayaan.

Dhinaca kale waxaa wadooyinka laga soo galo Xarunta Madaxtooyada lagu arkayaa Gaadiid dagaal iyo ciidamo farro badan oo baaritaano ku wada dadka halkaasi soo galaya,waxaana la sheegayaa in amaanka goobtaasi yahay mid aad looga shaqeeyey isla markaasna laysku haleyn karro.

Madaxweyne Bare waxaa uu sheegey in munaasabadaasi sii socon doonto ilaa maalinimada Bari,waxaana uu sheegey inay saxafada oo dhan ku marti qaadeen munaasabadaas isla markaasna goob joog ka yihiin,waxaana uu sheegey inaysan u kala harin shacabka magaalada kismaayo.

Ugu dambeyntii waxa uu ka hadlay kulan waqti dheer qaatey oo ay la yeesheen waxgaradka iyo Saraakil ka tirsan ciidamada wadanka Siiraliyoon ee ku sugan kismaayo isla markaasna kala hadleen sidii amaanka magaalada kismaayo looga wada shaqeyn lahaa iyo sidii looga qayb gali lahaa shirka dhawaan ka dhici raba magaalada Muqdisho ee looga hadli doono arrimaha maamullada gobolada dalka,waxaana uu sheegey inuusan isaga Madaxtinimadiisu aysan marnaba gorgortan gali doonin balse uu kulankaasi ka qayb gali doono isagoo ah madaxweynaha Maamulka Jubbaland.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com