Maxamed Cabdi Kaliil Guddoomiyiha Gobolka Gedo Ayaa Maanta ka soo duulay magaaladda doolow ee gobolka gedo wuxaanna lagu soo dhaweeyay magaaladda muqdisho ee caasimadda somaliya,
Shir Jiraa’id Oo uu ugu qabtay Muqdisho Saxaafadda Markii uu soo dagay kadib ayuu Faah-faahin kaga bixiyay xarig ay Ciidamada Itoobiya kula kaceen Mas’uuliyiin uu kamid yahay.
Guddoomiye Kaliil ayaa sheegay in haba yaraatee uusan Xilka ka qaadin Axmed Madoobe,balse Xilka ay ka qaaday Dowladda Itoobiya sida uu yiri.
Sidoo kale Guddoomiyuhu waxaa uu Xusay in Mudo Sideed Bari ah uu Degmada Dooloow ugu Xirnaa Saraakiisha Ciidamada Itoobiya asaga iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkiisa.
Dhanka kale Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in Markii Xilka laga qaaday asaga iyo Mas’uuliyiinta la shaqeysa looga yeeray Dooloow Itoobiya si loo dhex dhexaadiyo Hogaamiyaha Raaskanbooni Axmed Madoobe,balse markii ay tageen si xoog ah Xilka looga qaaday Xabsina Ay dhigeen ciidamdda Ithobia.
Si kastaba Mas’uuliyiin uu kamid yahay Guddoomiye Kaliil oo Gobolka Gedo laga soo masaafuriyay ayaa maanta soo gaaray Magaalada Mudisho,waxana ay sheegeen in Dowladda Soomaaliya ay kala hadlayaan Arrinta ka dhacday Gobolka Gedo.
Siyaasiinta la socday Kaliil waxaa kamid ahaa Maxamuud Sayid Aadan iyo Kuxigeenadiisa iyo saraakiil kamid ah Ahlusunna waljamaaca, Oo Uu Kamid Yahay Sheikh Owlibaax.
DHAGEYSO CODKA GUDOOMIYAHA GOBLKA GEDO: