Wararka Ay Shabakadda All-Galgaduud Media (AGGM) Ka heleyso Magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo Ayaa Sheegaya in maanta dibadbaxyo Rabshodo wata ay ruxeen magaaladaasi,
banaan bax balaaran Ayaa looga soo horjeeday Maleeshiyo Beeleedka Raaskanbooni iyo Ciidamada Dowlada Itoobiya ee jooga qeybo kamid ah Gobolka Gedo.
Banaanbaxa ay soo abaabuleen Maamulka Degmada Garbahaarey ayaa waxaa ka qeyb galay shacabka ku dhaqan Magaaladaasi, waxa ayna dibad baxayaasha ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah Ciidamada Itoobiya iyo iyo Horjoogaha Raaskanbooni Axmed madoobe.
Shacabka Banaanbaxa dhigayay ayaa sidoo kale kasoo horjeestay Rag Cusub Oo Gobolka Gedo uu Keenay Axmed madoobe, Kuwaas oo Horay Oga cararay Magaaladaasi.
Masuul katirsan Maamulka Degmada Garbahaarey ayaa Warbaahinta u sheegay in dibad baxa maanta dhacay looga soo horjeeday Ciidamada Dowlada Itoobiya oo iyagu faraha kula jirra Xaaladda siyaasadeed Ee Dalka Somaliya.
Banaanbaxa Rabshadda Watay ayaa imaanaya xilli Shalay Uu Magaaladda Kismaayo Markale isku doortay Hogaamiyaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskanbooni.
Arag sawir kamid ah dibadbixii maanta:
Goordhow fillo faah faahinta: