Siyaasiga Cabdi Shire Warsame Oo kamid ah siyaasiyiinta ka soo jeedda Goboladda gedo iyo Jubooyinka Ayaa Si kulul Oga Hadlay Xaaladda qalafsan ee ka jidha Gobolka Gedo, taas oo dhibaato ay ciidamadda Itoobiya Ka Geesanayaan,
Cabdi Shire ayaa sheegay in Axmed Madoobe Uu Qasbayo shacabka Gedo aysanna u baahneen xukunkiisa, isagoo sii hadlaya ayuu Sheegay in ciidamadda Itoobiya Ay Dhibaatooyin Xadgudub ah ka geysteen gobolka Gedo.
Shalay iyo Tii Ka Horeysay Ayeey aheyd markii dibadbaxyo rabshado wata ay ka dhaceen Magaalooyin Kamid ah gobolka Gedo kuwaas oo looga soo horjeeday Ciidamadda Itoobiya iyo Kooxda Maleeshiyo Beeleedka Ah Ee Raaskanbooni.