Kismaayo(AGGM) Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa ah mid cakiran isla markaasna kooxaha dagaalamaya isu adeegsanayaan hub noocyadiisa kala duwan yahay,waxaana la sheegaya inay Ciidamada kiiniya hadda si toos ah dagaalka ugu soo biireen isla markaasna sababeen in shacabka magaalada iyaguna la saftaan ciidamada xaq u dirirka ah ee Magaalada kismaayo.
Ciidamada kiiniya ayaa la sheegayaa inay madaafiic ku garacayaan xaafadaha magaalada kismaayo,waxaana la sheegayaa in dad shacab ah khasaare lixaad leh ka soo gaaray,waxaana la sheegaya in ciidamada degaanku ay wadaan qorshe dagaal oo ay kaga hortagayaan madaafiicda ciidamada kiiniya soo tuurayaan.
Dhinaca kale dagaalkii ka socda Sarta K2 ayaa la soo afjaray,waxaana iska soo dhiibay in ka badan 15 ka tirsan jabhadda Raaskambooni iyadoo hadda lagu hayo xeradda Ciidamada xaq u dirirka ah ee magaalada kismaayo,waxaana dagaalkani yahay mid culus oo sababay inay dad badan barakacaan iyadoo dagaaladu socdaan isla markaasna ay ciidamada kiiniya si arxan darro ah madafiic ugu hurgufayaan dadka shacabka ah.
Dhinaca kale Afhayeen madaxweyne Bare hiraale ayaa beeniyey war ay qoreen saxafadu oo sheegayey in laga wareegey goobo muhiim ah,waxaana uu sheegey afhayeenku inaysan warkaas waxba ka jirin isla markaasna ciidamadoodu ay wali ku sugan yihiin degaanadii ay shalay kala wareegeen kooxda Raaskamboon isagoo sheegey inay gacanta ku hayaan 15 ka mid ah kooxda raaskambooni oo laga soo saarey Sarta K2 isla markaasna si wanaagsan loola dhaqmay.
Ugu dambeyntii Marxaladda dagaalka ee Magaalada kismaayo ayaa waji cusub galay isla markaasna sababay in ciidamada kiiniya ku soo biiraan dagaalka oo ay garabsiiyaan kooxda Raaskambooni,waxaana la sheegaya inay madaafiic ku caawaninayaa,waxana afhayeenka maamulka Bare hiiraale shaaciyey inay ka hortagayaan madaafiicdaas isla markaasna gaarayaan degaanada laga soo tuurayo madaafiicdaas.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com