Wararka naga soo gaaraya deegaanada Jubbada Hoose iyo Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in dadka deegaanka ee Soomaaliyeed ay iclaamiyeen dagaal ka dhan ah ciidamada Kenya, ka dib dagaaladi maalmahan ka socday magaalada Kismaayo oo ay ciidamada Kenya si toos ah uga qeeyb qaadanayeen.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in maleeshiyo beeleedyo fara badan isku aruursanayaan deegaanada Jubbada Hoose iyo Gedo kuwaa oo gabi ahaantood ku soo wajahan magaalada Kismaayo si ay uga fara maroojiyaan gacan ku heeynta magaalada Kismaayo ciidamada Kenya.
Dhinaca kale ciidamadi dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaadka taabacsan ee maanta ka baxay magaalada Kismaayo ayaa waxaa la sheegayaan inay kulaalayaan magaalada Kismaayo.
Sidoo kale waxaa manaata isna la hadlay warbaahinta gudoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil waxa uuna iclaamiyay dagaal ka dhan ah ciidamada Kenya ee ku sugan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.
Isku soo wada duuboo waxaan la ogeeyn ilaa hadda in magaalada Kismaayo uu ka dhici doono dagaaladi faraha looga gubtay ee ka dhacay magaalada Muqdisho sababtayna inay ciidamada dowladda Itoobiya kala baxaaan caasimada Soomaaliya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com