Muqdisho (AGGM): Mudane Cabdisalaan Cumar Hadliye oo ah Guddoomiyaha bankiga dhexe, ayaa iska fogeeyay eedeyn ku saabsan in 80% lacagaha kusoo xarooday bankiga dhexe ee Soomaaliya ay la baxeen shaqsiyaad gaar ah oo ay warbixin ku soo saartay Qaramada Midoobay.
Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in lacagaha bankiga inta badan loo adeegsado dano shaqsiyadeed, sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in intii u dhexeysay bilihii September sannadkii hore iyo Abriil sannadkan ay dad gaar ah kala baxeen bankiga saddex mooleed illaa afar meelood lacagihii bankiga soo galay.
Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in Cabdullaahi Macalin Nuur oo ah madaxa saadka ciidamada xoogga dalka uu bankiga kala baxay lacag dhan shan milyan oo doollarka Mareykanka ah.
Sidoo kale, Guddoomiyaha bankiga dhexe ayaa sheegay in xilka uu hayo afar bil iyo bar, isla markaana wixii lacago ah ee bangiga ka baxay ay ku baxeen qaab sharci ah, isagoo tilmaamay in warbixintan ay tahay mid la been abuuray.
Dhanka kale, Guddoomiyaha bankiga wuxuu sheegay in isaga aanu ku lug lahayn wixii horay u dhacay balse uu diyaar u yahay in lagula xisaabtamo wixii dhacay markii uu xilkan la wareegay oo afar bilood laga joogo.
Si kasta ha ahaatee Warbixinta Qaramada Midoobey ayaa waxay daaha ka rogtay fadeexad cusub oo lasoo daristay dowladda Soomaaliya, iyadoo madaxda dowladda ay horay u sheegeen inay ku shaqeyn doonaan hab cad oo aan musuqmaasuq ku jirin.
[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/07/Voice_024.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com