Muqdisho (AGGM): Munaasabad maanta lagu qabtay Howlka Shirka Garoonka Diyaaradaha Adan Cadde ayaa waxaa lagu daah furay dulimaadkii ugu horeyay oo toos ah oo dalka Soomaaliya ay ku timid shirkadda Diyaaradaha Air Uganda.
Munaasibadaasi ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirka Warfaafinta,Boostada Isgaarsinta iyo gaadiidka C/llaahi Ciilmooge Xirsi, Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmad Nuur (Tarsan) Safiirka Dowladda Ugandha ee Soomaaliya Nathin Mugisha iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Ugandha ee soomaaliya ka howlgalaya.
Madaxa Suuq Geynta Shirkadda Air Ugnadha oo ka hadashay munaasabadda ayaa sheegtay in todobaadkiiba sadex duulimaad oo toos ah ay ku sameeyn doonaan muqdisho iyo Kambala.
Gudomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmad Nuur (Tarsan) ayaa sheegay in ay dhamatay dhibaatooyin badan oo socdaalkooda kala kulmi jireen iyo saacado dheeraad ah oo ay ku qaadan jirtay in ay dalal kale taransid ku sii maraan.
Safiirka Dowladda Ugandha ee Soomaaliya Ambasador Nathin Mugisha ayaa isna dhankiisa tilmamay in talaabadan ay soomaalida wax badan ka caawin doonto kuwaas oo ay ugu horeyso horumarinta ganacsiga iyo wada shaqeynta labada dal.
Ugu dambeyntii Wasiirka Warfaafinta,Bostada,Isgaarsiinta Iyo Gaadiidka C/llahi Ciilmooge Xirsi ayaa munaasibadaasi ka sheegay in talaabadan ay aad u soo dhaweyneyso dowladda soomaaliya,isagoo muujiayay in ay cadeeyn u tahay sida la isugu haleyn karo ammaanka Dalka,shacabka soomaaliyeedna uu ugu hambalyenayo dulimaadyada tooska ah ee ay maanta bilaawday Air Ugnada.
Dhinaca kale Wasirka ayaa sheegay in dowladda soomaaliya ay ku howlantahay in ay dib u dhis ku sameeyso garoonka diyaaradaha Adan Cadde dhawaanna ay shaqeyn doonaan Leeyrarkii garoonka si habeen iyo maalin uu garoonku u shaqeeyo.
[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/07/Voice_030.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com