Ciidamada Amisom Oo Qaraxi Maanta U Soo Qabqabtey 4 Askari Oo Jabhada Raaskambooni Ka Tirsan

0

ZrCxmI1304981742Kismaayo(AGGM) Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa la sheegaya inay qarixi maanta u soo qabqabteen dhawr askari oo ka tirsanaa Jabhadda Raaskambooni isla markaasna lagu tuhunsan yahay qarixii maanta ka dhacay Xaafada Dalcadda ee Magaalada Kismaayo.

Askartan oo lagu sheegey tiradoodu 4 askari ayaa la sheegay inay galabta ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Siraliyoon gacanta ku soo dhigeen 4 taas askari waxaana la sheegayaa in afartaas askari hadda ku xiran farisiinka ciidamada siraliyoon ee ku sugan duleedka Magaalada kismaayo kuwaasi oo qaraxa lala beegsaday.

Tuhunka qaqabashada Askartan ayaa timid ka dib markii ciidamo ka tirsan Jabhadda Raaskambooni shaaciyeen in 4 taas askari ka dambeysay qaraxaasi isla markaasna meesha ku dugeen,waxaana la sheegay in ciidamada Jabhadda raaskambooni ee cadeeyey in askartaasi qaraxaasi fuliyeen ay bixiyeen cadeymo muujinaya in qaraxaasi ay ka dambeyeen.

Jabhada Raaskambooni ayaa ah kuwo wajiyo badan leh isla markaasna isugu jira Kuwo ka soo goostey Falaagada Alshabaab ,Ciidamo dhawaan ka yimid Jasiiradda Raaskambooni kana amar qaata Shiikh Xasan Turki & kuwo kale oo ujeedooyin kale leh,waxaana la aamisan yahay in Magaalada Kismaayo ay ku wada sugan yihiin Kooxo Iska dhigaya inay ka mid yihiin Jabhadda Raaskambooni balse aaminsan Falalka Argagixiso.

Ugu dambeyntii Waa markii ugu horeyey ee qaraxaasi loo qabto ciidamo ka tirsan jabhadda Raaskambooni mana jiraan cid ka tirsan  Horjoogayaasha Raaskambooni oo qaqabashada askartaasi ak hadashay,Askartan la qabqabtey ee ciidamada Siraliyoon gacanta ku hayaan ayaan la ogeyn sida ay ciidamada Amisom ka yeeli doonaan inkastoo hadda su,aalo la waydinayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com