Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/qaadir Nuur ayaa sheegay in ay meel wanaagsan Mareyso qaban qaabada u diyaar garowga Xuska Maalinkii la qoray Afka Soomaaliga ee 21Janaayo oo beri ku began.
Waxa uu sidoo kale sheegay in sanadkaan ay si weyn ugu diyaar garowday Wasaarada Waxbarashada hidaha iyo tacliinta Sare Xuska 21 janaayo.
Waxa uu tilmaamay in Maalinta berito ah ay Xaflada ka soo qeyb galaya Madaxda sare ee Dowlada Federaalka Soomaaliya sida Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha Xukuumada Soomaaliya.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/qaadir Nuur aya ka warbixiyay waxyaabaha uu sanadkaan ugu duwan yahay Xuska 21 Janaayo sanadihii hore.
Waxa uu sidoo kale ka warbixiyay kaalinta Wasaarada Waxbarashada eek u aadan hormarinta Afka Soomaaliga iyo sida ay u socdaan Barnaamijyada lagu hormarinayo.
Hoos ka Dhageyso Wareysiga Agaasimaha Guud:-