Mareexaan Qofka Baqaylka Ah Aduun iyo Aaqiraba Waa Ku Qadaa.

0

Afeef: Nin raggana waa uu garanayaa waxaan ka hadlayo waxay yihiin, doqonkana waa yeelkii waligiina ha u maleeyo in la caayayo ee Mareexaanka waxgaradka ahoow adkeysta, waxaan sheegayaa kuwa aan wax garadka ahayn waxa ay yihiin’e.

Mareexaan walaaleyaal baqaylku waa noocyo badan yahay, bal aan u jaleeco intaan tuhmayo in aan baqaylka ku nahay, caalamka lama arag lagumana hayo abid baqayl wax noqda ama bulshooyin hogaamiya, baqaylka dadka nool ee dunida jooga xataa ma ay jecla, waayo cidna umma gargaaro isna looma gargaaro, dhinaca kalena baqaylka waa nimaan sadaqada xataa la bixinoo lixi jeclo ay dilootay sidaas ayuuna aaqiro qudheeda ku seegaa ama uga qadaa xasanaadka ilaaheey adoomihiisa siinayo oo waxba kagama horeeyaan maadaama uu aduunka intuu joogay wax walbaa uu ka doortay naftiisa oo kaliya, waxaase dhacda oo kale in baqaylka uu xataa mararka naftiisa qadiyo oo aaqiro darteed loo cadaabo.

Waxaa hubaal ah in qofka haduu baqayl yahay uu xataa quurin ama si dhib leh uu ku baxsho ama looga qaado gargarka tolkiis ama bulshada uu la nool yahay taas oo sababta inuu ka haro tolkiis ama bulshada uu la nool yahay amaba ay nacaan dadka in gargarka ay weydiiyaan.

Mareexaan noocyada baqaylka ah ee ay leeyihiin hadaan wax idiinka taabto waxaa kamid ah, Baqaylka Waxbixinta, Baqaylka Hadalka, Baqaylka Siyaasada, Baqaylka qaylo weyne, waa midka dadka ka qaylada badan, kana codka weyn ee waxna aan baxin ama dhuunta markey gaarto xiliga waxbixinta, Baqaylka difaaca dadka iyo deegaanka iyo kuwo kale oo badan oo aan halkaan ku soo koobi karin.

Mareexaan suuragal ma tahay, niman taajirkooda iyo faqiirkoodaba si dhib leh looga qaadayo gargarka tolkood ay ka doonayaan amaba aan lagaba qaadi karin ee diidaya, niman waxa ka maqan aan sheeganayn ama diideyn dulmiga iyagoo afkooda adeegsanaya, niman nimankooda sheeganaya inay u yihiin siyaasiyiin aan siyaasada ku difaaceen danaha deegaanadooda iyo dadkooda, niman inta dulmi ah ee  loo geysanayo aan ka dhiidhiyeen oo aan qoriga qaadanayn (Dagaalameyn) si ay u difaacaan qadiyada danaha dadkooda iyo deegaanadooda islamarkaana doonaya inay wax ka dhex noqdaan ama ka dhex muuqdaan bulshada Soomaaliyeed walaaleyaaloow soo ma,ahan baqaylada ugu caqliga foorara amaba ugu tayada xun caalamka?

Walaaleyaal Mareexaan waa iga su’aalle, Qofka Mareexaanka ah sida aan u badan nahay boqolkiiba sideetan (80%) naftiisana waa qadiyaa naf kalena waxba ma taro, haddaba nin naftiisa qadinaya naf kalena aan waxba tarayn seebuu ku doonayaa inuu uga dhex muuqdo bulshada Soomaaliyeed ama ulla tartamo deegaanada kale ee Soomaaliya?

Waxaan idiin sheegayaa Mareexaan waxaa wax noqda ama bulsho ka dhex muuqda amaba bulsho weyn hogaamiya ninkii Adimadiisa, Afkiisa, Maalkiisa, Maskaxdiisa iyo Muruqiisa adeegsada, Mareexaan iga qora cid iga dambeysaana ha weydiinina hadii aydnaan adeegsan amaba furin Adimadiina, Afkiina Maskaxdiina, Maalkiina iyo Muruqiina walaahi aduunka iyo aaqiraba waad ku qadaysaan.

Gabgabadi walaaleyaal waxaan idinkula talinayaa meel wlabaa oo aad caalamka ka joogtaan waa leydinku soo duulay, waana la idiin tashtay, waxaadna uga bixi kartaan ama isaga difaaci kartaan duulaankan qaawana waa adinkoo mideeya Maskaxdiina, Maalkiina iyo Muruqiina sidoo kalena ka baxa baqaylnimada foosha xun ee dhan walba leh sida Maal xiran, Af xiran, Maskax xiran, Siyaasad Xiran, iyo Muruq xiran, si aad isaga difaacdaan qorshaha cadaawaha soo maleegay ee la doonayo in leydinkaga dhigo gun iyo maato caano leh oo marti ku ah Soomaaliya.

Inagana dadkeenii dhintaa, dhaama saan nahaye
I dhegeysta caawana halkii, dhaan wadaan ridane

Hadday dunidu tiir leedahoo, lagu tanaadaayo
Oo niman ku taajirahayaan, taaladan aan joogno
Toolmoonihii Maxamed baan, laga taxaabeene (CSW)
Maxaan tobon riyo ah uga welweli, tay u weel li’iye

Heeryadan isaarani tolkay, hagartii weeyaane
Ninba howshu kali bay ku noqon, haatan dabadeede
Nin walaalkii ii hiili yidhi, hoog Allaa badaye
Intii lay hogaan bari lahaa, waan harjadayaaye

Wabilaahi Towfiiiq

Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed
Run Sheeg Waa Ceeb Sheeg