Curin xeel-cusub oo lagu furdaaminayo talada loo caal-waayey ee ku saabsan doorashada 2016.
1. Dawladaha turuqyada weynu ha ku dhiiradeen, inay kuwa Somaaliya dariska la ah ee fidnada Somaliya ku caano-maala ka sheeman! (ka koreeyaan)
2. Mudanayaasha hadda jooga oo aan madaxdu ku jirin 2 sano ha loo kordhiya.
3. Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha BFah iyo labadiisa ku xigeen ha ka hareen doorashada (ha nasteen waa odeyaal soo shaqeeyey oo daalay’e).
4. Ha la joojiyo in madaxda tartanka galeysaa laaluush-bixin ka faa’iideystaan ( sharaxane kast ha laga saxiixo in haddii lagu qabto laaluush-bixin tartanka laga saarayo).
5. Sharaxana-yaasha kiiba laga qaado 100.000 dollar.
6. Saddexda isu-soo-harta kiiba ha laga qaado 20.000 doollar, mar labaad.
7. Labada isu-soo-harta kiiba 10.000 doollar, ha laga qaado mar seddexaad.
8. Lacagtaas mudanayaashu ha ku magaf-mafleeyeen.
9. M/w,D/gobolleedyadu isma soo sharri karaan, si la mid ah M/ DFS.
Maxaan sabab uga dhigay in mudanayaasha waqtiga loo kordhiyo?
· Waxaa meesha ka baxaya muranka ah habka mudanayaal cusub loo soo xulayo,
· Waxay hoos u ogyihiin siyaasadda gudaha iyo tan dibadda.
· Waxay qabaan canan iyo eedo badan oo waxaa suurtowda inay isceebsadaan.
· Waxay luf-lufan kareen waa luf-lufteen.
· Wax dhaqaale ah oo ay doorashada ku bixinayaan majiraan.
· Waxay aad u kala yaqaanniin madaxda isa-soo sharraxaya oo looma soo dhuuman karo.
Maxaa madaxda doorashada laga xayiray iyaga oo xaqu leh loogu baddalayaa?
§ Waxaa loo aqoonsanayaa, geesiyaal dandooda u horay qaranka badbaadadiisa.
§ Dawladda soo socota ayaameekhaan u sameyndoonta.
f.g. uma haysto taladaanu in ay noqonayso mid wanaagsanorad laqaato oo taasu waxay ku xiran tahay sidii jilayaAshu u arkaan, waxayse iga tahay (geela waraf ma lagu dayey)
Qoraa Khaliif A. Diini.
Madaxa Rugta Maskaxda.
Email. Khalifashkir35@hotmail.com.