Afeef: Nin i galaday iyo Nin i galayba labadaba dadka waan ka aqaan, ha ila yaabina oday baan ahay kaligii harjadaya oo doonaya inuu hurdada ka kiciyo heeryadana ka rido duul ay ku bateen doqomada iyo kuwa dulinnimada jecele, waxba walaan dhoowranayn ee ha isu dhigin rasaastayda adiga kuuma socdee.
Runtii anigoon Ammaanayn amaba taageerana u ahayn Cabdiwali Gaas iyo Axmed Madoobe ayaa haddana waxaa waajib ah in la sheego ama laga hadlo waxa aad aragto ee aad isleedahay bulshada haka waantoobaan amaba haku dhiiradaan, Waxaan aad iyo aad ugu farxaa markaan arko wiil MAREEXAAN ah oo markuu maqlo ama arko Cabdiwali Gaas iyo Axmed Madoobe inta indhuhu casaadaan haddana afka ubur kasii deynaya sidii awr qooqan, carada iyo neceebka wajigiisa ka muuqda ama kusoo dagaya, waxaana uurka iska dhahaa war wiilkan MAREEXAAN ee sidaan u dhiiran ee dadnimada intaa le’eg ku jidho, kana danqanaya waxa Cabdiwali Gaas Iyo Axmed Madoobe dadkiisa u geysteen waqtigiisa oo dhana galinaya siduu u sheegi lahaa ama ulla dagaalami lahaa raggaas GEESISANAA waa nin mudan in lataageero.
Waxaan misana aad iyo aad uga caroodaa markaan arko wiilkii MAREEXAAN ee markuu maqlo ama arko Cabdiwali gaas ama Axmed Madoobe indhuhu casaanayeen afkana uburta kasii deeynayay sidii isagoo aad moodo awr qooqan isagoo amaanaya, marxabeenaya u sacaba tumaya lehna Madaxweynaheena Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ah mujrim qaaimul wadan ah xubin kasoo ahaan jiray mid kamid ah Jabhadihi dalkan rogay ee sababtana u ah in maanta wadanka gacanta cadowga galo.
Mareexaan war miyeydnaan lahayn damiir iyo dadnimo aad ku kala garataan ninka idin galada iyo ninka idin gala ee cadowga ah, maxaadse ku kala jecleysanaysaan Cabdiwali Gaas, Axmed Madoobe iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed mise way isku kiin dhaamaan?
War Cabdikariin Xuseen Guuleed soo ma,ahan ninkii qaybta ka ahaa jabahadihii dalka rogay, Cabdikariin Xuseen Guuleed soo ma, ahan ninkii R/wasaarihiini la dagaalmayay, Cabdikariin Xuseen Guuleed soo ma,ahan ninkii Axmed Madoobe garabka ku siiyay xasuuqa caruurtiina, waayeelkiina, haweenkiina iwm-ahaa ee ku noolaa magaalada Kimsaayo?
War Ilma adeerayaaloow Mareexaan qoodhiin iyo xeradiin waa hadaa dad miyir qaba oo nasab ah islamarkaana mirihii odaygii SADE- Ah aad tihiin Cabdikariin Xuseen Guuleed, Cabdiwali Gaas, iyo Axmed Madoobe yaa mudan hadaa cidba ugu tanaasuleysaan dambiyada ay idinka galeen inaad ugu tanaasushaan dambi uu idinka galay? war yaa idin xiga ileen Soomaali 4.5 beey wax ku qaybsatayee? war nimanka aan la wada dagaalano waa hadal gob iyo caadadi lagu yaqaan, balse kan ku xigana waa la dagaalamayaa kan shisheeyaha ahna kuma dhaco inaan soo hadalqaado waana u sacbinayaa, dhabanadana waan ka dhunkanayaa waa walalakeen ayaana ornaynaa waa dhaqan gumeed iyo waxaan nin nasab ah qaadan karin.
Mareexaan laba mid adinkaa u door leh waa hadaa tihiin dad nasab ah oo damiir leh, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Cabdiwali Gaas, Axmed Madoobe ee sadexdan maamul ku sheega ah kala hogaaminaya inaan si wadajir ah oo bareer ah ulla wada dagaalano oo aynaan kala jecleysan ama in aan si bareer ah Cabdiwali Gaas iyo Axmed Madoobe-na u taageerno lana heshiino unna tanaasulno saa iyagaa ab iyo isirba na xiga oo nala dhashay, intaan Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ah miduu jini dhifsaday oo aanann waxba isu ahayn oo ururo diidmeed u shaqeenaya taageeri lahayn amaba marxabayn lahayn, sadexdooda aan la heshiino ama aan lawada diririno, laakiin Mareexaan waan diiday, waana gunimo, waana dhaqan fool xun sadex nin oo aan midkood wanaag kuu galin in midna la taageero labana la diido. war sadexduba waa daalimiin dambi naga galayee aan iska dhicino.
Gabagabadi Mareexaan maanta bal duco xataa aan idinku dayo ayay iga mareysaa waana idiin duceynayaa in Ilaaheey imaanka buu idinka qaadayee imaanka ilaaheey ha idiin soo cesho, ilaahey waxuu idinka qariyay cidaa tihiin, awoodiina, sharafta magaciina soo jireenka ah, Ilaaheey waxaan ka baryayaa in uu quluubtiina kusoo celiyo amaba galiyo dhoowrida cidaa tihiin, awoodiina iyo sharafta magaciina soo jireenka ah, Ilaaheey waxuu kaloo idinku riday shan cudur oo uu isagu uun daaweyn karo oo kala ah Inaad raadisaan sidaa u cuni lahaydeen Xoolo xaaraan ah, Xaafado shisheeye joog, Xin, Xasid iyo Xan oo aan aduunkiina iyo aaqiradiinaba u wanaagsanayn , sidaa awgeed waxaan Ilaaheey ka baryayaa isagaa awood lahee inuu shantan cudur ee MAREEXAAN ku dhacday idinka ka qaado amaba idinka saaro, raadinta sidaa u cuni lahaydeen Xoolo xaaraan ah, Xaafado shisheeye jooga, Xinka, Xasidka iyo Xanta oo uu idin tuso ama idinku toosiyo dhabaha wanaagsan ee u wanaagsan aaqiradiina iyo aduunkiinaba, waxaan kaloo Ilaaheey ka baryayaa inuu idinka dhigo dad aan adoomihiisa Ilaaheey ee kale dulmin, islamarkaana iyagu diida waxii dulmi ah ee loo geesanayo dalkooda, dadkooda iyo deegaanadooda. Aamiin Aamiin Aamiin.