Taarikhda Soomaliya marnaba ma waadiniinta Soomalidu ma eeysan helin nuuc hogaan oo leh aragti siyaasadeed iyo mid Somaalinimo oo isku dheeli tiran lehna daacadnimo iyo awood guuleeysata oo sare loogu qaadayo fariin cadaaladeed midnimo iyo rajo. Maqaalkaan waxa uu farta ku fiiqayaa dhanka kale wax yaabaha aan ka dhaxalnay muda dheer hogaamiyaasha Soomalida ee hor -boodayay Siyaasada.
Soomaaliya hadii eey yahiin kuwa gobal iyo kuwa qaran intaba kuwaa oo si aan ka leexad laheeyn uga faa’iideeysanayay fursadaha umada u wada dhexeeya una leexinaya dana shaqsi ah iyo kuwa qabiil, taas oo keentay is ku dhacyo bulsho, Musuq maasuq iyo tabar dari kutimid hay’adaha doowliga ah.
Inta badan Hogaanka Soomalidu waa eey iska iloobaan balanqaadka eey sameeynayaan marka eey ku jiraan olole eey ku doonayaan in eey ku hantaan talada bulsha meel dagan, taana waxaa sabab u ah in uu san jirin xisaabtan ka yimaada bulshada uu madaxda u yahay waayo bulshada ayuu u kala qeeybiyaa qeeyb isaga xigta iyo qeeyb wax kuma ool ah, waxaana taasi uu uga faa’iideeystaa in aan bulsha isku xiran xisaabtan uga imaan, waayo bulshadu isku aragti kama noqdan habka loo wajahayo la xisaabtankiisa, waxaana si tartiib tartiib ah u duqooba caadada ah si xun wax u maamulka, Musuq maasuqa iyo kaligiis talasnimada, ilaa eey ka noqoto mid bulshadu eeysan xumaan u araga dhaqan xumada hogaanka sidoo kalana taasi waxeey dabaha u xaartaa in kuwa kadambeeyana noqdaan kuwa lamid ah amaba ka sii daran.
Taariikhda casriga ah ee Soomaliya waxaa iska cad in dadka Soomaaliyeed ku guul dareeysteen in eey soo saaraan masraxa Siyaasada Hogaan leh awood ka madax bananan qabiil iyo Daacad daro, marka aad u fiirsato dhaqanka siyaasadeed ee hogaanka Somaalida waxaa uu hogaamiyuhu garba ka dhigtaa qolooyin isaga ku qabiil ah, si eey uga faa’iideeystaan inta uu talada hayo hogaankuna waxa uu ku mashquulaa uruursiga hantida umada iyadoo taasina dhiiri gelin unoqota in ilmahiisa iyo Haweenkiisu boobaan hantida umada ka dhexeeysa laakiin su’aasha isweeydiinta mudan ayaa ah yaa hortaagan in lala xisaabtamo hogaanka Soomaaliya.?
Laxisaabtan la’aanta kuwa dadka laaya ama xoolahooda ku dhaca u doowladeeynta waxa eey ku keentay Soomaalida dhaqan daciifnimo iyo kalsooni daro shaki galineeysa dadnimadooda dib u fiiri wax yaabihi kadhacay dalkeena majirto cid loo soo taagay wixi uu geeystay, tani waxeey sababtay dib u dhac dhanka bulshada ah waayo majirto bulsho ku baraarugsan halaqyadaan maal iyo mood midna aan hambeeyn.
Xaalada Siyaasadeed iyo mida bulsho ee aan hagaagsaneeyn waxa eey abuurtay in hogaamiyaasha iyo inta ku dhaw dhaw kaligood noolaadaan waxa eeyna aad isugu hoowlaan horunamariyaan dantooda gaarka ah, iyada oo aan lagabaran wax cashar ah waa tii uu lahaa Cabdiqaadir Shube “Taariikhda dib u eega waa lagadab qaataaye” taas oo muujineeysa in eey muhiim tahay in markasta dib loo eego wixi la soo dhaafay, hogaanka Soomaalida waxa eey sii wadaan cadaalada darada, Sinaan la’aanta, nin jecleeysiga iyo si xun u isticmaalka maalka dadweeynaha (public fund misuse). Kuwani waxa eey gacan ka geeysanayaan sii socoshada dhaqanka xun ee hogaanka hadii aan la helin bulsho ka hortagta sida uu ku sheegay qoraaga lagu magacaabo Bulhan buugiisa caanka ahaa Politics of Cain: One Hundred Years of Crises in Somali Politics and Society. Sanadkii (2008).
Ugu dambeeyntii waxaan ku soo koobilahaa Bulshada Somaalida waxaa la gudboon la xisaabtan eey ku wajahayaan Hogaanka qariban ee Somaalida, iyaga oo aan u eegin qabiil kana fiiriya danta guud ee umadda (Common Interest) taasi waxaa eey keeni kartaa in hogaanka Soomaalidu eeysan ku dhiiran wax yaabaha qaar oo ey hada ku kacaan ee aan doowladnimada waqafsaneeyn halkaasina eey ka soo baxdo bulsho la xisaabtanka Hogaanka ee aan iyada lagu xisaabtamin.
Garad Yusuf Mohamud
Bartay: Maamulka Doowliga ah
Cilmi Baare , Qoraa Arimaha Siyaasada Iyo Dhaqan dhaqalaha
Xubin Barlamanka Galmudug
Tell: +252615540485
Email: Garaadsomali@gmail.com
Skype: Garaadsomali
Twitter: @ Garaadsomali
Facebook: Garad Yusuf Mohamud