Waxaan ka hadlayaa arimo kooban oo gudaha puntland ku saabsan,waxaana igu kalifay shacabka puntland wanaagooda iyo haadanta loo qoday ayaan ka adkaysan waayay.waligayba waxaan difaac u ahay puntland iyo jubaland in aan ka ilaaliyo cidkastoo dulmaysa,waxaa kaloon difaacaa xuquuda dhibane kasta oo soomaaliyeed gobolkuu doono ha u dhasho,hadafkayguna waa in cidkasta oo soomaaliyeed hesho xuquuqdeeda,shaqsi ahaan,beel ahaan,dagmo ahaan gobol ahaan iyo dawlad ahaanba.macnuhu waxaa weeye soomaali guud ahaan cadaalad ayaan urabaa,waana la dirirsanahay cidkastoo cadaalad daro wada.waxaana aad isaga ilaalinaya in aad xadgudub cidna kusameeyo ilaa waxaan sheego waa arin aan aad u hubsaday.
Taariikh ayaa qormaysa,puntland waxay ka mid tahay maamulada dalka burburkii kadib kacay oo dhismay.Illaah mahadii weeye,waxay kasoo martay kicitaankii iyo dhismaheedii dhibaatooyin farabadan oo dhiig badani ku daatay.hayeeshee waxay kufto oo kacdaba waxay noqotay mid hana qaaday oo istaagtay oo hanatay dagaankeedii guud ahaan.waxay noqotay meel soomaali oo dhami kusoo hirato oo lagu helay nabad amaan iyo kala danbayn ayadoo uugu horayn xooga la saaray amaanka.isku qaybid iyo isku filaasho dabadeed waxay puntland u gudubtay in ay soomaaliya u samayso dawlad taasoo hada ka jirta dalka soomaaliyeed ahna dawlad fadaraal ah.
Hawshaa baaxadaas leh iyo hormarkaa iskama imaan cid baa keentay mudan waajibna ay tahay in laxuso oo la sheego,waxaa goolkaas dhaliyay Alle ha u naxariistee Madaxwayne Abdullahi yusuf Axmed iyo ragiisii garbaha ka taagnaa habeen iyo maalinba daacadana u ahaa.puntalnd waxaa laysku dayay in halgankaa laga hor istaago oo dad puntland u dhashay ay hor istaagaan.waxay xiriir lasameysteen nabadiidkaasi cidkasta oo neceb puntland iyo jiritaankeeda ama ha ahaadeen sokeeye soomaali ah ama ha ahaadeen dawlado shisheeye. waxaa xusid mudan jees yaroo anaga uun naga mid ah oo nolasha iyo siyaasadaba khalad ka fahmay,iyo qolooyinkaa mugdisho laharay oo kaashanaya marwalba cadawga soomaaliyeed ee shisheeyaha ah ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay inay hor istaagaan oo hagardaameeyaan halganii uu waday Madaxwayne Abdullahi yusuf.waxaa guulaystay halgankiisii oo anfacay puntland iyo mugdisho ama soomaaliyaba.
Waxaa yaableh in waxay shalay Mudane Abdullahi yusuf ku xasdayeen oo ay ka hortagnaayeen ee aykula dirirayeen,in aynu goob joog kanahay in jeeskii yaraana uu puntland madax uga dhigay iyo kursigii u fadhiyay!! kii mugdishana madaxtooyadii lodu ku xaraysnayd inta kabaxshay,dib u dhis ku sameeyay oo xafiis yadii boodhka ka jafay iyagiina ku fariisiiyay kursigii oo sidaa hada xasan sheikh ku fadhiyo taasoo cimrigii uuna sina ku gaareen hadaan geesugu ubixin.Aad uugu fiirsada labadii isaga xasdaysay iyo halkuu gaarsiiyay bal aad u eega.waxa u ahaa wadani doqonta iyo nacabku hagardaamaynayeen.wuxuu noqday halgankiisii mid guulaysta.waligiinba soomaaliyeey ogaada nina waa wadani nina waa iibasanayaa diinta iyo dalka iyo dadkaba hadaba waa in marwalba lahelaa rag horjooga iimaan laawaha daciifka ah.wadan walba waa sidaa labaadaas ayaa lookala baxayaa marwalba.
Jeeska yar ee qardho degan
Ragii puntland dhisay,hagahayay siyaasadeeda,difaacanaayay markay meeshii kabaxeen waxaa yimid badalkeedii.Madaxwaynaha puntland ee maanta dr gaas waxa uu noqday buundadii loo maray in laga takhaluso puntland oo hadafkeedii iyo siyaasadeedii gacanta lagu dhigo sibuuxda.maxaa keenay hadaba hanashada la hantay dr gaas? waxaa keenay uugu horayn dr gaas oo aan aad u aqoon sida soomaalidu u badantahayba dhaqanka soomaaliyeed iyo silsilada beelaha soomaaliyeed.dr gaas oo ah sidiisuba nin aan lahayn go aan adag iyo dhiiranaan.waxaa jirta in dr gaas inan layaal ku yahay iyo xidid tanoo keentay in jeeskii yari gabi ahaanba hantay dr gaas.mar hadii dr gaas lahantay markiiba wakaa laga gatay mugdisho,markiiba wakaa caalamkii laga iibsaday puntland.dr gaas waxa uu garan waayay war heedhe mar hadii lagu qabtay ha dhagrin puntland ee taariikh xumana yay kaa raacin ee iscasil.dr gaas waa nin aad u nugul waxayna ku yiraahdeen adigu halkaa noo joog marka dr gaas iyo jeeskii yaraa iyo mogdisho waa heshiis buuxa macnuhuna yahay in puntland si toos ah loo hees geeyay mugdisho,gaalo iyo gumaysi shisheeyana loo yeertay.
dr gaas waa ogyahay in jeesku gobolka mudug raaciyay galmudug kamana hadli karo wadnihii bay kalabaxeen.waa ogyahay in dastuurka aybadaleen jeeska yar iyo mugdisho kamana uu hadli karo,tani macnaheedu waxaa weeye jeeska yar oo dilaaleey ah mugdisho hoos fadhida oo cad quureed loo tuuro intaana ku faraxsan iyo mugdisho oo arintan ku guulaysatay siyaaso ahaan. waxaan soo xusuustay nin gabayaa ah ayaa dhagaystay gar laba nin wada dhexmartay markaasuu wuxuu layaabay,waxa ninraga kamid ahaa laga dhaadhiciyay ee uu iska qaatay waxbaba uusan hubsanayn oo fakaraynba,oo ragii is hayay nin kamid ah ul iskala koray! gartiina ka eexday uu u qaaday, waayo waxa uu iska aaminay waxa ragii is hayay nin kamid ahi u sheegay.hadaba raga wax garad lagama waayee nin kaloo arinta miisaamayay ayaa ninkan hiilada durba kula dhacay ninkii kale u sheegay oo yiri.
Wuxuu yiri sidan
Gartaad maxamed nuuroow naqdee uunka wada gaartay
Gaashaamo yay noogu timid galab caroow tiin ee
Dayuurada guuxiyo gaariyaa siday ee
Gugbaa laskuyiri xaajadaad goysay kalidaa ye
Hadiise hadalka lama guud maree odayo loo geeyo
Gartii waxaa ah hayboow inaad gowdhis leedahay ee
Ninkii galaxsaanaa baa ku helay ee gadan jiraye
Geed buu ku saaraa kolkuu kuu gol leeyahay ee
kolka cilinku kugu geediyay laska garan waaye.
Waxaan ula jeedaa dr gaas jeeska yar waa iska garan waay dhagartooda.maanta puntland waa magac u yaal wax jira maha siyaaso ahaan.dalka in uu fadaraal yahay iyo inuu jamhuriyada dimuqraadiga soomaaliya yahay makala naqaan,wax socda lama socono,dastuurkii waalabadaly guud ahaan lama socono waxna kama qaban karaba. sidaas ayaa looga badiyay puntland wadada loo soomarayna waa taa aan sheegay.waxaa layiri xabad babaay ah oo ku dhex jirta dambiil babaay kabuuxo way qurmisaa kuligood markaa puntland jeeskaa yaroo qardho wax ka dagan ayaa rogay. kaagadarane waxay ka helayaan majiro oon ka ahayn khaadim ninkale iyo gunimo sidaa hada ka muuqataba.puntland markay kasoo farxasheen oo kala direen sidii loogu talagalay,ayaa hadana waxay qaateen qandaraas cusub oo ah jubaland inay kala diraan oo burburiyaan iskana horkeenaan nin iyo wiilkii nin iyo xaaskii labadii wada dhaltay tanoo u ah dhaqan soo jireen ah wax se kadabkoodii go ay markay hada faraha lagaleen rag sidurugsan u yaqaan oo kasii jeeday iyaga, waxayse banaankana keeni doonaan oo soomaali soo hor dhigi doonaan waxa ay yihiin ee dhabta taasoo soomaali inbadan ku noqondoonta fajiciso!!! ragaas oo wali wax reebanaya haday wax kasayaan. gaba gabadii suuro gal matahay in godkaa lagu riday puntland rag u kaco kasoo saara? kolay anigu umalayn maayo.
W/Q:Yuusuf Cumar
mashruuc5@hotmail.com
Fiiro Gaar Ah: Qoraalka Waa Aragtida Qoraaga, Kama uu turjumayo Aragtida Warbaahinta AGGM, Waxii dhaliil ah amaba amaan ah kala xiriir qoraaga emailkiisa ku saxiixan mashruuc5@hotmail.com