Addis Ababa (AGGM): Dowladda Itoobiya ayaa mar kale ku eedeysay Eritrea inay sii wado taageerada ay siineyso Kooxda gacansaarka la leh Al Qaeda ee Al Shabaab.
Afhayeenka Wasaarada Arrimaha dibada Itoobiya Dina Mufti ayaa u sheegay Wargeyska Sudan Tribune in Eritrea ay qatar ku tahay dadaalada dhinaca nabada ee Midowga Afrika ay ka wadaan Soomaaliya.
Mr Mufti ayaa sheegay inay hayana cadeymo la xiriiro in Eritrea wali sii wado taageerada, isla markaana ay jebineyso qaraarka Golaha ammaanka ee QM ee cunaqabateynta Hubka.
Ergeyga Eritrea u fadhiya Midowga Afrika oo ay la xiriirtay Wargeyska Sudan Tribune ayaa ka gaabsaday inuu ka jawaabo eedeymahaas.
Sanadkii 2009-kii ayay aheyd markii Golaha ammaanka uu cunaqabateyn ku soo rogay Eritrea doorka taageero ee dhinaca milateriga iyo tababarka ay siiso Kooxda ku xiran Al-Qaacida.
Cunaqabateynta Golaha ammaanka ayaa laga mamnuucay saraakiisha milateriga iyo siyaasiyiinta inay safarada dhinaca dibada.
Maamulka Asmara ayaa dhowr jeer oo hore ku cel celisay beeninta eedeymaha loogu jeediyo inay taageerto Al-Shabaab.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com