Nairobi(AGGM) Horjoogaha Jabhadda Raaskambooni Axmed Maxamed Islaan oo loo haysto dacwado badan ayaa hadda ku jira huteelka uu ka degan yahay Magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kiiniya halkaasi oo u ugu jiro xabsi guri ahaan,waxaana wali socda su,aalaha ay waydiinayaan Sirdoonka Mareykana ka dib markii uu lugaha la galay dambiyo waa wayn.
Shiikh Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) waxaa waaxda Dambi baarista dalka Mareykanka ee FBI ay ku amreen inuusan ka bixin dalka kiiniya isla markaasna ay kor ka ilaaliyaan ciidamo dhar cad ah isla markaasna ka tirsan kuwa Dawladda Kiiniya,waxaana ay la socdaan dhaqdhaqaaq kasta oo uu sameynayo Shiikh Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe).
Shiikh Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) waxaa loo haystaa dilal gudaha Soomaaliya loogu geystey dad isugu jirey Muwaadiinin u dhashay dalka Mareykanka & Qaarada Yurub kuwaasi oo qaarkood lagu dilay Jasiiraddaaha ku yaala Jubadda Hoose,sidoo kale waxa lagu helay inuu ka dambeyey qaraxyo ka dhacay gudaha dalka Kiiniya Iyo Diyaarad ay lahayd israaiil oo ka badbaadey gantaalo lagu tuurey.
Shiikh Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa la sheegay inuu dambiyadaas oo dhan isagu gacan buuxda ka geystey xilligii uu ahaa Taliyaha Ciidamadii Raaskambooni ee uu hogaanka u ahaa Shiikh Xasan Turki oo ahaa Argagixiso calami ah isla markaasna ku jira liiska reer galbeedki raadiyaan,waxaana arrimahaasi oo dhan maanta dul fariisteen Axmed Madoobe oo hore uhaa Sarkaal ka tirsan Falaagada Alshabaab.
Asbuuci waxaa Axmed Madoobe iyo Ciidamada Dambi baarista dalka mareykanku ku kulmaan Huteelka uu ka degan Magaalada Nairobi laba jeer waxaana wali si xawli ah u socda xogta laga doonayo Axmed Madoobe iyo xiriirkii kala dhaxeyn jirey Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ay mar isku xulufo ahayeen.
Shiikh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) waxaa lagu amray inuusan ka bixin gudaha Dalka kiiniya isla markaasna uusan dib ugu laaban karin Magaalada Kismaayo halkaasi oo ay maamulaan ciidamada dawlada Kiiniya Iyo Jabhadda Raaskambooni oo asalkoodu ahaa Alshabaab isla markaasna leh wajiyo badan oo isbed-bedela sida Xisbul Islam,Maxkamadihii & Raaskambooni oo dhamantood ah Argagixiso calami ah.
Shiikh Axmed Madoobe ayaa la ogeyn sida ay ka yeeli doonaan Sirdoonadda kala duwan ee kiiskiisa gacanta ku hayaa,waxaana loo badinayaa in wadan kale loo duuliyo si loogu sameeyo baaritaano dheeri ah isla markaasna cadeynaya inuu ku lug lahaa dilal qorsheysan oo loo geystey muwaadiinin badan oo reer Galbeed ah kuwaasi oo lagu dilay gudaha Soomaaliya iyo dalalka deriska ahba.
Ma Jiraan Wax Jubbaland La Dhaha:
Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay shaaca ka qaaday inaysan wax heshiiska ah la gelin Garabka Shiikh Axmed Madoobe,waxaana si toos ah dawladu ugu shaacisay saxafada iyo kooxaha u ololeeya Jabhadda Raaskambooni inaysan jirin wax la dhaho Jubbaland isla markaasna ay kismaayo gacanta ugu jirto Jabhadda Argagixiso ah oo falal bini aadamnimadda ka baxsan ka geysanaya iyagoo kaashanay ciidamada dawlada Kiiniya.
Dhinaca kale beesha Caalamka ,Sida QM ,IGAD,Wadamadda deriska ah marka laga reebo dawladda Kiiniya,waxay shaaciyeen inaysan aqoonsaneyn wax Jubbaland la dhaho isla markaasna dawlada Soomaaliya looga fadhiyo inay maamul loo dhan yahay ka soo dhisto Gobollada Jubooyinak iyo Gedo.
Dhinaca Kale beesha Caalamka waxay qoraal u gudbisay kooxo siyaasiyiin ah oo ay ka mid yihiin Cali Khaliif Galeyr Iyo Gaandi waxaana lagu amray inaysan ka hadlin arrimaha jubooyinka isla markaasna kooxaha hadda Maamula kismaayo ay ku tilmaaman yihiin Argagixiso,waxaana loogu hanjabay in lagu dari doono liiska qaswadayaasha Soomaaliya isla markaasna la xanibi doono dhaqaalaha iyo socodkooda,waxaana la xaqiijiyey inay u dhego nuglaadeen digniinta loo jeedisayn isla markaasna cadeeyeen inay faraha kala baxeen.
Ugu dambeyntii Magaalada Kisamayo waxaa hadda ka socda dhibaato lixaad leh oo loo geysanayo shacabka ku dhaqan Magaalada Kismaayo kuwaasi oo maalin kasta la dhaco hantidooda isla markaasn qaarkood la dilo,waxaana talaabadaasi lagu tilmaamay dhaqanka iyo hidaha ay leeyihiin kooxaha Argagixisada ah ee ku sugan Magaalada Kismayo iyo degaanada kale.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com