Waxaa La xaqiijiyay oo si dhab ah loo ogaaday ; In ay dhalinyaradu yihiin cunsurka bulsho kan ugu waxtarka iyo faa’iidada badan ,,,waase haddii sida ay tahay looga faa’iidaysto.
Waa cududda loo adeegsado difaaca, dhawrista sharafta,dhismaha iyo horumarinta bulsho.
Runti ,dhalinyarada Soomaaliyeed ee maanta ma aysan helin cid midaysa oo ka faa’iidaysata maskax,aqoon ,iyo muruq waxa ay hayaan , sidoo kalena ma dhicin in ay dhexdooda iska abaabulaan oo ay is waydiiyaan sidi ay u buuxin la haayeen kaalintooda loo aayay.
Bal dib u milicso xiligii isticmaarki reer Yurub dalkeena qabsadeen iyadoo markii horeba dadkeenu reero u kala qaybsanaa (deganaa) oo ayan jirin dareen Soomaalinimo lagu sheegto ,waxaa soo baxay dhalinyaro Soomaaliyeed ” SYL ” oo ka danqaday xaaladdi dalku ku sugnaa iyagi ayaa dadkii mideeyay oo abuuray dareen Soomaalinimo hadana xoojiyay ka dibna u halgamay sidi lagu gaari lahaa dawlad madax bannaan oo ay Soomaaalidu leedahay waana ay ka miro dhaliyeen ,, waxaa hubaal ah dhalinyaradi xiligaas in aysan aqoon,dhaqaale, iyo tas-hiilaad (facility )midna ku dhamayn kuwa maanta jooga dal iyo dibad, dhibaataduna ay ka culays iyo xajmi badnayd tan maanta jirta.
Hadaba su’aashu waxa ay tahay maxaa saaciday oo u fududeeyay in ay mudo kooban guusha intaa la’eg ku gaaraan ? Waxa ay dad badani guushooda sabab uga dhigaan ; Daacadnimo,Dadaal iyo Rabbi oo ay talo saarteen, oo waxaa la yiri “Wixi Rag ku kaco Rabbina Aqbalo waa Rumoobaan ” Niyad samidooda iyo Dadaalkooda ayaa Rabbi ku caawiyay.
Dalka Soomaaliya dhibaato xooggan ayaa ku habsatay oo weliba daba dheeraatay dalka dibadda loogama soo duulin si toos ah,,,, laakiin Siyaasi beeleed damac gaaban ayaa loo adeegsaday ,,waxaana la isticmaalay da’yar mustaqbalkoodi la seejiyay,,bal u fiirso caruurta siyaasi beeleedka qurbaha ayaa tacliin loogu diray ,,dhimashada ,dhaawaca iyo dandarada caruurta Soomaaliyeed dalka gudihiisa ku haysata waa laga fogeeyay.
Siyaasi beeleedku waxa uu ku guulaystay in bulsha waynti Soomaaliyeed la kala dhex dhigo gidaar xooggan oo Qabiil iyo Deegaan ah, ,,,,Bal is waydii waxa ummaddu isku haysato oo ay u heshiin la’dahay,,isuna dilayaan oo looga sii jeedinayo Cadawgeeda ?
-Bal u fiirso waxa ciidan ajnebi ah dalka jooga iyo nabad gelyo xumida jirta .
-Bal is waydii waxa loo diidan yahay in la dhiso lana hawl geliyo ciidan qaran oo dalka xasiliya ?
-Bal is waydii waxa lacag lagu dawarsado magaca Soomaaliyeed iyo meesha ay marto ?
-Bal is waydii kuwa amni daridi wada halka ay ka helaan hub iyo dhaqaale,iyada oo la sheegoin Soomaaliya la saaray cunaqabataynta hubka ?
-Bal is waydii waxa Soomaali loogu dooray nidaamka Federaalka iyada oo aysan jirin waxa kala qaybiya oo ay ku kala duwan yihiin ?
-Bal is waydii Gabre waxa uu dalka ka qabto iyo magaca uu ku joogo iyo waxa keenay in shir kasta oo Soomaaliyeed uu ka dhex muuqdo ?
-Bal is waydii waxa loo aqoon la’yahay tirada dhabta ah ee ciidamada AMISOM ee dalka jooga iyo goorta ay baxayaan ?
-Bal is waydii nabad gelyo xumida iyo hal doorka la beegsanayo cidda ay dani ugu jirto ?
-Bal is waydii shacabka maatida ah ee aan waxba galabsan qaraxyada iyo laynta loo gaysanayo ma tahay wax Illaahay loogu dhawaado ?
-Bal is waydii is diidkeena iyo kala tageena cidda ay farxad gelinayso ?
Dhalinyaro xasuusta heestii Abwaan Xasan Sheikh Muumin, ” Waxaan Wacad ku qaadnay Giyigiina wax u barta oo ka jira wax yeelada ”