Soomaaliya waxay wali haysaa tubtii baadi goob ee xasilinta dalka iyo nidaam kusoo dabalida hanaankii dawladnimo.mudo dheerba isku dayo farabadan aya jiray oo la soomaaray.hayeeshee waxaad moodaa in marba marka ka danbaya ay u sii siqayso soomaaliya dhanka nabada iyo dawlad nimada.wana ifafaalo fiican iyo rajo dhaw.
Sida la qorsheeyay waxaa lamaleeyay,in bal qaab fadaraal ah dalkan laysugu keeno ayado looga gudbi doono maslaxada dalka iyo dadka soomaaliyeed ku jiri karaan kuna ilashan karaan qaranimadooda,midnimadooda iyo dawlad nimadooda.Soomaalidu haday ka gudubto marxalada hortaala maanta waxaa cadaan ah, in marka la qiimeeyo waayo aragnimada ay ka dhaxleen dawlad la aanta,iyo burburka,lana eego khibradaha iyo aqoonta ay ka heleen caalamka ay ku kala firidh sanyihiin. waxaan isleenahay ayagoo arimahaas ka faa iidaysanaya in ay mudo yar kusoo kabanayaan,kagana hormarayaan,wadamada dariska ah.
Dhulka soomaaliyeed khayraadka yaala,waxa uu kamid yahay 7 dal ee lagu sheegay inay caalamka uugu qanisa yihiin. waxaynu rabanaa uun khayraadkeena dawlad cadaalad inoogu qaybisa.soomaaliya soomaali baa leh waxa aynu ka helo dalkeena waa in aynu si siman u qaybsanaa. cadaalad unbaynu doonaynaa meesha dhib kale ma yaalo.dhanka kale waxaa jira dad xag jir ah oo ka soo horjeeda soomaaliya oo cadaalad hesha.hadaan usoo laabto mawduucan.
Soomaalidii lala tacaalayay isu kee keeda iyo xasilinteeda ayaa waxaa caqabad xun ku noqday puntlnd oo taladeeda ay hayaan marwalba dad xag jir ah oo aa doonayn in soomaalya ay cagaheeda isku taagto.waxay ka soo horjeedaan sinaanta iyo cadaalada ah in loo siman yahay siyaasada iyo dhaqaalaha dalka soomaaliya,waxaana daliil kuugu ah 18 sanadood oo ay la gaar noqdeen xukunka puntland siday ugaleen intaas ayaa kugu filan.xagjirkan ayaa buuq galiyay shacabkii puntland iyo dawladii fadaraalka.horaan u cadaynay in badan in uu dr gaas oo hada looga yaqaan soomaaliya dr beenaale ayaa heshiiskii uu mogdisho ku sixiixay 4.5 in kiray oo shacabkii puntland u dhigay riwaayad mudo la daawanaayay.shacabku dr gaas way aamineen khiyaano iyo been xakaa gaadhay lagma filanayn ileen siyaaso mahee waxa uu jilayay. aakhirkiina saanu u sheegnay hore waxay ku soo dhamaatay isagoo leh hadan aqbalay.
Dr Gaas iyo cali xaaji iyo faroole waxay wadeen riwaayadaas waxayna kawada tirsan yihiin xisbigaa xagjirka ah ee ka dhisan puntland.cali xaaji iyo faroole waxay aad u tumayeen durbaanka iyo qalabka muusikada kala duwan halka dr gaas uu jaazka ciyaarayay heestana cod fiican uugu qaadayay shacabkuna ula dhacsanaayeen!! dal iyo dibadba shacabku ma oga wax la iibinayo ee lagu maqan yahay in iyaga ay yihiin nasiib daro waayo way aamineen. xisbi xagjir ah xubnihiisa mooyee oo cidkale aaminto xagee lagu arkay dunida?
Waxay ku heleen riwaayadii inay yirahdaan anagaa xulayna beelaha puntland,xubnahooda iyo codkoodana hantinaynaa ee faroole iyo cali xajiyoow is sharaxa adinku!!! bal waxaa laga shaqaynayo fool xumadeeda eega.bal beenta ay naftooda u sheegayaan eega! bal damac xumadaa eega! maba arkaan in waxan ay qaateeni yahay waxay shalay diidayeen riwaayadaha ka dhigayeen ee 4.5 oo ah in beel walbaa oday geedu soo xulo,ma beel baa beel kale la oday ah? waxaa xusid mudan doqonimada iyo iimaan la aanta faroole uu ku leeyahay waxaan u sharaxnahay madax Wayne soomaaliyeed ee igu doorta waxaan la dagaalamayaa 4.5!!! tuladaa yaroo garoowe oo gurigiisii ah iyo meesha uu garabka ku haystay ayuu hada uun ku aqbalay oo ku raalinoqday 4.5 hadaba sideebuu u orankaraaba mogdisho iyo soomaaliya ayaan kula dagaalamayaa 4.5? inuu is sharaxo doodi kama taagna xaqbuu u leeyahay soomaaliduu ula siman yahay laakiin meesha waxa uu keenay in aan ku doorano ayaa ah wax uu san hal cod ku helaynin ma aqaan haduu isagu is doorto. ma waxa uu odaygu iloobay in shacabka puntland taako taako ula socdeen dagaalkiisii uu ku dhartay in puntland uu san yeelaynin in la keeno waxaas xaaranta ah ee 4.5 hadana uu isu badalay ninka koobaad ee ku raalinoqday heshiiskaa xisbigiisii layiri ku soo xusha xubnaha beelaha puntland sidaana uugu riyaaqsan oo wax ka go aamiyay qadashadii 4.5 kahor intii dr gaas tagin mogdisho iyo kadiba dhamaadka riwaayadiiba.
Gabagabadii
Puntalnd waa soo dhaaftay xiligii ina adeeroow iyo tolbaynu nahay,waa soodhaaftay xiligii sadbursiga,waa soo dhaaftay xiligii qaraabo kiilka eexda iyo kala qoqobka,waa soo dhaaftay xiligi kursiga aan xirano,waa soo dhaaftay xiligii xubnaha aan qaadano oo inagu xulo,waxay u gudubtay in nin walbaa xaqiisa helo,madax noqdo,sharaftiisa helo,sinaan helo,cadalad helo,tanoo horseedaysa hormar,siyaaso,iyo dhaqaale iyo nabad iyo xasilooni,wada jir shacab.nin nin wax gaara uuga baahan majiro waa laysu wada baahan yahay. nin wixiisa la qaadan karaa majirto dulqaadkii waa dhamaday.nin og iyo ni maan ogaynba majeerteen dhexdiisa waa isa sugayaa wana lays edbin dulmi illaahii na aburay ayaa diiday qasab waxaa nagu ah iyo waajib in aan soo celino sharaftii iyo karaamadii iyo haybdii majeerteen ee jifo khalad fahan tay ku ciyaartay taasoo aan noo qalmin. majeerteen is xurmayn dhexdiis,dal iyo dad u roonaansho,wadaniyad,ehel, tol iyo soomaali isu keen,diin iyo illaah kayaabid,dad wadid,xikmad iyo cilmi ayaa nalagu yaqiin waa maxay yaydan sumaysan ee sokeeye iyo soomaaliba hagardaamaynaysaa?
Muusikaaladayn wareer san ee dayoowday waxaan leeyahay waxaad jilaysaan hada riwaayad aan dadwayne daawada lahayn ee ceebta iyo akhlaaq xumada kala dhex baxa umada soomaaliyeed. siyaasaduna maha qabyaalad been iyo khiyaano dadwayne sidaad aamin santihiinba.
W/Q: Yuusuf Cumar
Email:Mashruuc5@hotmail.com